Dhacdooyinka naxdinta badan ee Alle u qadaray adoomihiisa waa marxallado aan lahayn xirfado lagaga hortago balse wuxuu Illaahay ina siiyay iimaan inoo sahlaya in aynu ku sabirno sidoo kale yaqiinsanaano in Illaahay inoo qoray.
Jaranjarooyinka noloshu ay leedahay ayaa marta wajiyo kala duwan oo murugo iyo farxadba leh waxaana qofka laga rabaa kartidii uu ku maamuli lahaa xaaladahaa kala gadisan ee midba waayihiisa wata mawduucani waa mid si kadis ah igu dhashay inaan qalinka u qaato anigoo xog badan ka haynin laakiin miisaanka uu mawduucani leeyahay ayaa qalbigayga ku wayn.
Waa Galab gaaban oo jawi dagan waxaan kusii jeeday gurigayga waxaan marayaa wadada 150-ka waxaa hareeraha wadadaas ku badan maqaaxiyo farabadan oo hooyo iyo gabdho ay shaah ku iibinayaan sidoo kale rag baa ku qayilaya qiyaastii maskaxdaydu waxay si qiiraysan u daymoonaysaa dumarkaa shaqadda adag noloshu ku kaliftay inay nolol maalmeedkooda kala soo baxaan ubadkoodana ku korsadaan laakiinse waxaa markiiba igusoo dhacday kartida ay ku doorbideen in aanay cidna nolosha u daba fadhiisan aanay gacmaha hoos dhigan kuna khasban yihiin inay u xoogsadaan ubadkoodana u korsadaan si xalaal ah suaallo kooban Ayaan isweydiiyay dadku kartida noocan ahi maku wada jirtaa mise?
Maxaad filan lahayd hadii ilaahay kuu qadaro in xanuun adag kugu dhaco adigoo xoog isu raaciyay nolosha iyo raaxadeeda ?
Maxaad ka filan lahayd hadii qoyskaaga oo aad jeclayd aad waydo ?
Maxaad ka filanaysaa hadii shaqada aad hayso lagaa eryay si kadis ah ?
Dhaqamada cusub ee nolosha noocan ah aynu wajahno ayaa waxay u badan yihiin kuwo khatara oo u badan jaahilnimo iyo dicfi ah soomaali ayaa ku maahmaahda “hadaad dhimanaysana dhareerkaa la iska duwaa” waa erayada guubaabada ah ee soomalidii hore isticmaali jireen si ay nolosha aanay uga qancin , suaalahani kor ku xusan waa arimo muhiim ah badiyaabana wax dhici kara u badan dadkeena waxaa ku batay in qofka xaalada noocan ahi soo wajahdo uu markaaba ka doorbidaa in ilaahay nafta ka qaado ,marka laga reebo H ooyooyinkaa tirada yar ee xili kasta u taagan inay gaadhaan hamigooda nololeed.
Bal aan soo qaato shakhsiyaad kale oo aduunkan ku nool ama ku noolaa oo xaalado caafimaad oo khatar ahi soo gaadheen
Stepphenn hawkin waa scientist u dhashay wadanka ingiriiska 1942 markii uu ahaa 21 ayaa xanuun ku dhacay waxaanu waayay awoodii uu ku socon lahaa ama uu hadal kaga soo bixi lahaa balse wuxuu aaminsanaa “where there is live there is hope” hadii aad nooshahay waxaad haysaa fursad nololeed oo rajo leh wuxuu noqday Scientist-yada maanta caalamka joogo waxaanu qaatay PHD Cosmology sidoo kale wuxuu helay cilmi sheegaya Black holes in the sky, Radiation, 1979 wuxuu noqday Lucasian professor of methamatics at Cambridge wuxuu ku guulaystay 12 honor degrees , alberta eistien medal waxaana ka run sheegay wixii uu aaminsanaa ee ahayd “where there is live there is hope”
Sidoo kale Sheekh Axmed-yaasiin Hamas oo ahaa (founder) aasaasihii ururka Xamaas ee Yuhuuda la dagaalama oo loogu yeedhi jiray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dadka reer Falastiin wuxuu dhashay 1930 waxaanu aaminsanaa in dhulka reer Falastiin ka xorayn doono dhammaan ciidanka Israa’iil wuxuu ahaa curyaan balse waxa ku jiray hamigaas uu jihaadka iyo hoggaamintaba guulo badana ka gaadhay wuxuu caalim diinta meel sare ka gaadhay Illaahay naxariis janno hasiiyee.
Diinteenu waxay inna faraysa in hadii dhib inagu dhacdo aynu xaga alle u noqono markastana baryadiisana aan laga daalin oo la micno ah in aanu qofku ka qancin nolosha.
Sidoo kale aqoonyahan Maraykanka u dhashay oo la yidhaa Les brown ayaa wuxuu ku talinayaa sida diinteenu ina fartay waxaanu yidhi:
“You cannot choose the circumstances which surround the events of your life but you always have a choice with your responses your mind set.”
Oo micnaheedu yahay:
“Ma awoodid in aad ka hortagto wixii noloshaada qadar ah ee kugu dhacaya balse waxaad awooda jawaabta caqligaaga iyo sidii aad uga soo kaban lahayd.”
Hadalkaygu wuxuu tafsiirinayaa nolosha adduunka oo badanaa dadkeena Islaamka ahi ay aakhiro kaga wayn tahay, aakhiro waa run balse alle wuxuu ina faray in adduunkana wanaag kaga noolaano aakhirana jano .
Manhajkeena islaamku wuxuu ku talinayaa in muslimiinta aanay ahaanin kuwo gacantoodu hoos dhigto dad aan waxba aaminsanayn ama manhaj diimeed oo khaldan haysta laakiin muslimkii aduunka ku noolaa waa kuwo qaxoonti ugu sii cararaya dalalkii gaalada.
xaga warwarka iyo adduunka jacaylka way inaggu jirtaa oo qolooyinkaa gaalada waynu kala simanahay balse kartida waxqabsiga iyo maamul wanaaga waxaynu u aragnaa fal aduun jacaylnimo markaynu qabsan kari waynay.
Dhismaha bulshadu waa masuuliyad qaran oo saaran qofkasta oo danaynaya in dadku sii jiro, waxaana aasaas in ay ummaddi sii jirtaa, in la isweydiiyo waxyaabahan hoos ku qor:
- kor loogu qaado fikirada togan ee waxsoo saarka abuuri kara, In manhajkeena islaamiga ah xalkiisa la raaco
- In bulshada lala hadlo oo inta miida ahi dadkooda u kacaan
- Carruurteena hamigoodii wuxuu u batay tahriibka, balwada,rabshada, iyo fikiradda aadka u hooseeya , dabeecadaha noocan ah kumay dhalan balse waxay ka barteen bay’ada ay ku noolyihiin
- Dib u eeg imisa carruura ayaa badahaas ku dhintay waxaanay ka badan yihiin intii dagaaladii ku dhintay
- Dib u eeg imisa carruura ayaa balwad iyo mukhaadaraad jarka ka riday
- Dib u eeg imisa carruura ayaa darbi jiif ah
Qoraa: Axmed-Yaasiin Sh. Cumar Axmed Fure