Askari ka tirsan ciidanka booliska oo lagu dilay Berbera

Mid ka mid ah Askarta Ilaalada u ah Maayirka Berbera oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ismaaciil Muxumed โ€œCabdi Dheereโ€ ayaa saaka lagu toogtay magaalada Berbera, ninka ayaa waxa dilay nin ay isku hayeen dhul kaasi lagu magacaabo Naasir Jaamac Guuleed “Deex”.

Sido kale waxa weerarkan ku dhaawacmay nin ay wada socdeen Marxuunka oo lagu magacaabo Cali Jaamac Cigaal “Cali Gabad”.

Dilka askarigan ayaa waxa ka hadlay Taliye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil Dalab Xandule oo sheegay in ay gacanta u hayaan gacan ku dhiiglihii.

Hoose ka daawo muqaalka Warkan:

Bandhige@gmail.com