Tabobar ku saabsan ogaanshaha xaqiiqooyinka shaqo ee dawladaha hoose oo la qabtay

Shir ballaadhan oo ay ka soo qeyb-galeen dhammaan sideedda degmo ee uu ka socdo mashaariicda lagu taageero dawladaha hoose ee marka la soo gaabiyo la yidhaahdo JPLG ayaa ka furmay Hargeysa. Waxa wada-jir u qabanqaabiyey Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda UNCDF ujeeddooyinkiisuna waxay ahaayeen labadan:

  1. In degmooyinka uu ka socdo mashruucani lagu tababaro haw-gudashada iyo tayada adeegyada ay siiyaan deegaanadood.
  2. Iyo wax-ka –badal lagu sameeyay lacagta mashaariicda oo wakhtigooda dib-uga-dhici jirtay oo xal-loo sameeyay.

Shirkan oo si weyn loo soo agaasimay waxaa bixinaya la-taliyayaasha degmooyinka uu ka socdo mashaariicda JPLG. Waxaana uu socon doonaa laba maalmood iyada oo degmooyinka si hufan loogu tabobari doono shuruudaha qiimeynta ee lagu caddeeyay hage ay diyaarisay Hay’adda UNCDF dhammaan, yaa la qiimaynayaa? yaa qiimaynaya? maxaa laga rabaa in laga helo? iyo darajada lagu gudbi karo in degmadu ay ka sii mid ahaato mashruuca iyo inay ka hadho.

Dawladaha Hoose2
Maxamed Jaamac Maygaag oo hadal ka jeedinaya tabobarka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horeyn waxaa shirkan ka hadlay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Prof. Maxamed Cabdi Bade oo si faah-faahsan u sharaxay u jeedada shirkan la iskugu yeedhay dhamaan degmooyinka, sheegayna in sanadka 2016 laga bilaabo aanay degmooyinku ka caban-doonin dib-u-dhac ku yimaada lacaga loogu tala-galay mashaariicda ay degmadu fulinayso, oo markii hore ay toos-u-wada xidhiidhi jireen Dawladda Hoose iyo Hay’addu, waxaana uu intaas raaciyay in laga furi doono Dahabshiil bar-xisaabeed ay maamuli doonto Wasaaradda Maaliyaddu oo lixdii bilood ba halmar lagu soo shubi doono lacagtii loogu tala-galay sanadkaas, iyadoo degmada iyo Dawladda Dhexe ay ku dari doonto intii ku soo hagaagtay sidaana degmada loogu soo deyn-doono lacagaha marka ay buuxiyaan shuruudaha ku xidhan.

Madaxa Hay’adda UNCDF ee Somaliland Mr. Aadan Xasan Mataan ayaa isaguna sheegay in tababarkani muhiim u yahay degmooyinka uu ka shaqeeyo mashruucani, sidoo kale waxaa uu sheegay in qiimeyntii hore u jiri-jirtay wax laga badalay oo ahayd, in hawl-gudashada hawl-qabadka mashaariicdu ahaan jireen 20% imikana laga dhigay 50% taasoo micnadeehu yahay degmadu ha yaraato  ama ha weynaatee, tii hawl-gudashada iyo adeeg-bixinta degmadoodu ay gaadho inta qiimeynteedu noqoto lagu go’aan qaadan doono sanadka ku xiga oo waxaaba suurta gal ah in degmo weyni ku waydo lacag tii mashaariicda ee ay ku fulin lahayd halka degmo yarina ay buuxiso hawl-qabadka iyo fulinta mashaariicda sidii loogu tala galay kadib na ay sidaa ugu guulaysato fulinta mashaariic kale.

Maxamed Cabdi Bade
Maxamed Cabdi Bade, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Xog-hayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Mudane: Ibraahim Axmed Raabi ayaa isna ku soo dhaweeyay degmooyinka tabababarka kun a booriyay inay ka faaiidaystaan kuna tala-galaan sidii degmo kastaaba ay isku sii qiimeyn lahayd intaan la qiimeynin.

Ugu dembeyntii na Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa isna sheegay heerarkii ay soo martay qiimeyntani iyo sida ay muhiim u noqotay in wax ka badal lagu sameeyo, si degmooyinka loogu kala saaro sida ay u kala karti iyo hawl-gudasho fiican yihiin. Waxaanu ku amaanay sida ay ka qeyb-galayaashu usoo ajiibeen marti-qaadkii loo fidiyay.

Ka-qayb-galayaashii shirka
Ka-qayb-galayaashii tabobarka

 

Bandhige@gmail.com