Taliska Booliska Somaliland waxa uu ka hadlay weeraro loo gaystay laba masuul oo ka tirsan Waddani

Taliska booliska Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si wada jira uga hadlay weeraro budhcad hubaysani todobaad gudahood waxyeelo ugu gaysteen labada siyaasi oo ka tirsan xisbiga Waddani isla markaana kala ah xoghayaha cadaaladda xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batuun iyo Guddoomiyaha garabka dhallinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme”.

Afhayeenka guud ee ciidamada booliska Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis oo arrinkan ka hadlay ayaa sheegay in labadan siyaasi markii  weerarada loo gaystay ay yimaadeen saldhiga booliska isla markaana ay u sheegeen ciidanka sidii loo soo weeraray iyo waxyeelada ay qabaan,waxaana uu Faysal Xiis sheegay in arrinkaas ay baadhitaan xoog leh ku hayaan ciidamada boolisku isla markaana ay ku daba jiraan soo qabashada dadkii falalkaasi xun xun ku kacay ee soo weeraray labadan masuul.

Afhayeenka ciidanka booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo ugu horeyn ka hadlay falkii waxyeelada loogu gaystay haldoor Barkhad Jaamac Batuun oo ah xoghayaha cadaalada xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi sida tan:

“Sidaad warbaahinta ka aragteen taariikhdu markay ahayd 19 bishan aynu ku guda jirno saacaduna ay ahayd 11 habeenimo waxa saldhiga dhexe ee booliska yimi Barkhad Jaamac Batuun oo ah xoghayaha cadaalada xisbiga Waddani Barkhad waxa uu soo sheegay in laba qof ay dhaawacyo u gaysteen ugana gaysteen wajiga, kadib markii sida uu isagu sheegay ay dhagaxaan wajiga kala dhaceen,labadaa nin ee dilay muu sheegin Barkhad, waxaana uu booliska u sheegay inaanu garanayn tilmaami karayn kuwa ay ahaayeen,booliskuna waxay siiyeen xaashida dhaawac muujinta si dhaawaca gaadhay loosoo ogaado inta uu leeg yahay,boolisku waxay tageen markiiba goobtii uu sheegay in lagu dilay si ay xog dheeraad ah uga soo helaan sida uu falkani u dhacay.”

Dhanka kale Afhayeenka booliska Somaliland oo ka hadlay falkii xalay lagu waxyeeleeyey gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme” ayaa waxa uu yidhi:

“Maxamed Sidiiq Cabdilaahi oo loo yaqaano “Dhamme” waxa uu sheegay xalay oo bishu ahayd 22 goor ay saacadu ahayd 12:30 (Laba iyo tobankii iyo badhkii) waxa uu tagay saldhiga booliska ee degmada Gacan-libaax, dhibane Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha dhallinyarada Waddani waxa uu sheegay in isaga oo baabuurkiisi wata oo maraya geerash Aw-Cali agtiisa in afar nin oo aanu garanayn aqoona u lahayn ay halkaasi ku joojiyeen kadibna ay dhaawacyo uga gaysteen gacanta midigta waxa kale uu sheegay in gaadhigii uu watayna ay jajabiyeen oo khasaare kasoo gaadhsiiyeen lagana jajabiyay muraayadaha,boolisku markiiba waxay siiyeen xaashida dhaawac muujinta waxaana ay u direen cusbitaalka si loo ogaado dhaawaca gaadhay inta uu leeg yahay  marka laysku daro labada dhibane ee Barkhad iyo Maxamed labaduba mar qudha may sheegin oo may odhan ciddaas ayaa I dishay.”

Gaashaanle sare Faysal Xiis waxa uu ka dhawaajiyay in ciidamada boolisku ay arrinkaasi baadhitaan adag kaga jiraan soo qabashada dadkaa falkaa gaystay,ayna tageen goobihii lagu soo weeraray masuuliyiintan si ay xogo dheeraada u helaan waxii kasoo baxana ay dib kazoo sheegi doonaan waxaana uu yidhi

“Boolisku arrinkaasi si mug leh ayuu u baadhayaa gobtii danbigu ka dhacayna waa la tagay si loo ogaado xogtaa ay sheegeen xog ka badan labada dhibaneba kiiskooda si adag ayaa loo baadhayaa waxii kasoo baxana dib ayaan idinka soo sheegi doonaa hadii alle yidhaahdo,booliskuna way ku daba jiraan ragii falkaa gaystay waxaanan ku rajo waynahay inaan soo qabano waxaanan gayn doonaa maxkamada iyo xeer ilaalinta shaqada ku leh.”

Falalkan ayaa qaar ku cusub siyaasada oo aan la garanayn cidda fulisay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com