Madaxweynaha Gambia waxa uu sheegay in Alle oo kaliyi ka qaadi karo guusha

Hoggaamiyaha muddada fog talada haya ee dalka Gambia Yahya Jammeh, ayaa sheegay in Allaha weyn oo kaliyi uu ka qaadi karo guusha, isaga oo isku dayaya in uu waxba kama jiraan kasoo qaado natiijada doorashadii madaxweyne ee dalkaas, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ima cabsi gelin doonto awood kasta oo dunidan taalla, waxaan doonayaa inaan xaqiijiyo in caddaalad la sameeyey, waxaan ahay nin nabadeed hase yeeshee ma noqon karo fuley. Xuquuqdeyda laguma xadgudbi karo, la igumana cabsi gelin karo inaan u hoggaansamo kuwa I qasbaya, weligey taas ma sameyn doono.”

Hoggaamiyaha mucaaradka Adama Barrow ayaa Jammeh kaga adkaaday doorashadii madaxweyne ee dhacday kowdii bishan December.

Jammeh ayaa markii hore si wanaagsan u ogolaaday in laga adkaaday kahor intii aan natiijada lagu dhawaaqin, hase yeeshee waxa uu iminka ku doodayaa in wax is daba marin ay ka dhacday doorashada, waxuuna ka dalbaday maxkamadda sare ee dalkaas in ay beddesho natiijada doorashada.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, ayaa dhammaantood ugu baaqay Jammeh in uu aqbalo in laga adkaaday, kuna wareejiyo xukunka Barrow.

bandhige@gmail.com