Baarlamaanka Kiiniya oo gacmaha isula tagay

Baarlamaanka Kiiniya ayaa waxay meel mariyeen isbaddelo lagu sameeyay sharciga doorashada Kiiniya, kaas oo u oggolaanaya guddiga doorashada in ay aqoonsiga iyo tirinta codadka gacan loo adeegsado, haddii tiknoolajiyaddu ay guul darreysato.

Markii hore sharciga ayaa oggolaanayay in qalab tiknoolajiyadeed oo kali ah loo adeegsado arrimahaasi.

Kahor intaan la ansixin isbaddelada sharcigan, mucaaridka ayaa ka baxay aqalka baarlamaanka, iyagoo sheegay in mudanayaasha xisbiga talada haya ay adeegsadeen feedh iyo hub si ay u hubiyaan in sharciyadan la ansixiyo.

Mucaaridka ayaa waxay aadeen maxkmadda si ay isugu dayaan joojinta dhaqan-gelinta sharcigan cusub.

bandhige@gmail.com