Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta.
Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.
Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.
Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:
No | Hay’ada | SLSH | Dollar |
1 | Dawladda Dhexe | 1,553,204,022,280 | 258,867,337 |
2 | Hay’adaha Madaxa-banaan | 303,338,532,125 | 50,556,422 |
3 | Dawladaha Hoose | 208,570,347,257 | 34,761,725 |
4 | Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah | 97,268,562,000 | 16,211,427 |
5 | Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta | 12,722,892,000 | 2,120,482 |
Grand Total | 2,175,104,355,662 | 362,517,393 |