Taliyaha ciidanka Bileysku waxa uu ka hadlay heegan la galiyey ciidanka Booliska Hargeysa

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay heegan la geliyay dhammaan ciidanka booliska Somaliland, taasi oo lagu dardargelinaya ammaanka caasimada Somaliland.

Taliye Fadal oo saxaafadda kula hadlay xarunta taliska ciidanka booliska ayaa yidhi:

“Wax saa’id ahi ma jiraan, laakiin waxa weeyi hawlaha qaranka iyo bulshada ee aanu u idmannahay, waxaana noo caaddo ah in hawlgalada aanu mararka qaarkood xoojino, haday tahay dhalinyaradii, iyo cid kasta oo nabadgelyada khalkhal gelinaysa iyo haday yihiinba baabuurta qaarkood oo habeenkii lambarada laga furo.”

Dhinaca kale afhayeenka ciidanka booliska gaashaanle sare Feysal Xiis oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka nabadgalyada waddooyinka ayaa isna dhinaciisa ka hadlay gaadiidka isaga kala goosha dalka guud ahaan, waaxaana farriintiisan dhinaca ammaanka ah ku socodsiiyay baabuurta yaryar ee Tukhaanka loo yaqaan. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waa hawlgal ammaanka gobollada dalka oo dhan lagu xoojinayo, gaar ahaan caasimada. Baabuurta yaryar ee habeenkii magaaladda dhex socda waxaan leeyahay wixii bilaa lambar ah waa la qabanayaa, wixii nabadgelyada halis ku ahna waa la qabanayaa, baabuurta yaryar ee la yidhaa Fitz-ta ee saqda dhexe habeenka socdana waa la qabanayaa.”

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka booliska Sareeye Guuto fadal ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabadgelyada adkaystaan, isla markaana meel looga soo wada jeedsado, wixii nabadgelyada waxyeelaynayna.

bandhige@gmail.com