Taliye-Xigeenka Booliska Somaliland oo booqday Laascaanood

Taliye-ku-xigeenka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa booqasho ku tagay Laascaanood.

Taliye Fooxle oo ay weheliyaan guddoomiye-ku-xigeenka gobolka Sool Cabdirashiid Xirsi Dalmar iyo taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nuur Colhaye waxay kormeer ku soo mareen saldhigyada booliska iyo dawladda hoose ee Laascaanood oo waday banaynta waddooyin xidhnaa.

Taliye Fooxle intii ku gudo jiray kormeerka wuxu warbixin siiyey xogyaha dawlada hoose ee Laascaanood mudane Cabdi Khayre Dirir, oo sheegay doorka ay boolisku ku leeyihiin wada banaynta iyo waliba soo celinta bilicda magaalada ee ay beryahay wadeen.

Gebo gebodii kormeer Taliye Fooxle wuxuu kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka booliska xarunta taliska bilayska ee gobolka Sool.

Isagoo ka warbixina ujeedada safarkiisana wuxuu, “salan ka dib waxaan halkan ku imid kormeer kadisa, oo aanu eegaynay qaybta diyaar garowgeena, iyo inta ay ku hawl gali karto, run ahaantii waxa nooga soo baxay ciidan diyaarsan, oo howl gali kara daqiiqadii loo baahdo, haday tahay gaadiid ahaan, ciidaan tahay, qalab iyo haday tahay masuulinimo hogaamin tahayba”.

Gebo gebodii wuxuu taliye Fooxle u mahadnaday taliyaha qaybta iyo dhamaan saraakiisha ciidanka booliska oo kasoo baxay shaqadii iyo masuuliyadoodii.

Bandhige@gmail.com