Tansaaniya waxa xidhay talefoon gaadhay 630,000 oo been abuur ah

Tansaniya, ayaa hal habeen hawada ka saartay 630,000 oo talefoonada gacanta ah, taasi oo ujeedkeedu yahay in lagu dhammeeyo talefoonada gacanta ee been abuurka ah ee dalka.

Tansaniya, ayaa ku biirtay dalalka Cameroon, Koonfur Afrika iyo Nigeria dadaalkooda ay ku xoojinayaan tallaabooyinka ammaan iyo caafimaad, iyagoo qadka ka saaraya talefoonada.

Hay’adda maamusha isgaadhsiinta, ayaa sheegtay in talefoonada la damiyay ay 3 boqolkiiba ka yihiin kuwa dalka ka jira. Tiradaas ayaa aad uga yar marka la barbardhigo tii la filayay. Madaxda ayaa aaminsan in dad badan ay qaateen talefoono hor leh ka hor intaan la damin.

Xisbiga mucaaradka ee CUF, ayaa sheegay guuldarada dawladda ee aheyd in ay ka hortagto in dalka soo galaan talefoonada been abuurka ah ay ku ciqaabeyso Tansaaniyaanka aan waxba galabsan.

Balse hay’adda isgaadhsiinta maamusha ayaa sheegtay in damistan ay tahay mid caafimaadka dadka talefoonada adeegsada lagu ilaalinayo. Waxayna intaa ku dartay in talefoonada gacanta ee been abuurka aysan laheyn tirada cadeynta saxda ee mobilada oo muhiim u ah in lagu ogaado oo lagu tixraaco, waxayna la’aanta tiradaasi ka dhigeysay in dambiilayaasha ka baxsadaan in la soo qabto.

Qiyaasta dadka Tansaniya oo lagu sheegay 49 milyan ayey dadka ka haystaan shirkadaha 33 milyan oo talefoon.

bandhige@gmail.com