Tartanka ciyaarraha Gobollada oo barbaro la isla dhaafi waayey maanta

Tartanka ciyaarraha Gobollada oo si habsami ah uga socda magaalooyinka Burco iyo Boorama ayaa waxa maanta fooda is daray xulalka Gobollada Awdal iyo Buuhoodle oo ciyaar xiiso badan ku dhexmartay Boorama ayaa waxa isla dhaafi waayeen barbaro 1:1 ah, goolka waxa ku hor maray xulka Gobolka Buuhoodle oo iyaga ay hore uga soo badiyeen Gobolka Maroodi-jeex halka Gobolka Awdalna uu hore uga soo badiyey Gobolka Hawd.

Burco oo ay kuwada ciyaarayaa Gobollada Bariga ayaa waxa ciyaari ku dhexmartay Gobollada Daadh Madheedh iyo Xaysim oo iyagu isla dhaafi waayey barbaro 1:1 ah.

Waxa maalinta beri ciyaari dhexmari doontaa Gobollada Maroodi-jeex iyo Hawd oo labadooduba ay ka mid yihiin ciyaartow laga soo xulay ciyaaryahanadana u ciyaara naadiyada Hargeysa.

Ciyaartan ayaan noqonaysa ciyaartii ugu adkayd ee tartankan ciyaarraha 2015-ka, Gobolka Maroodi-jeex ayaa marar hore koobka ka qaaday Gobolka Hawd.

Rajada ciyaarraha Gobolka Hawdna waxay ku xidhan tahay ciyaarta beri.

bandhige@gmail.com