Tartanka Koobka Qaramada Afrika wuxu ku bilowday ciyaaro barbar-dhac

Dalka Gabon waxa ka billowday tartanka Koobka Qaramada Afrika oo ah tartanka ugu weyn qaarada Afrika.

Dalka martigelinaya koobkan iyo Guini-Bissau oo lagu furay ayaa waxay isla dhaafi barbar-dhac hal gool ah ah.

Inkasta oo kooxda Gabon waxaa lagu tilmaamay in ay ka mid yihiin kooxaha ugu liita ee ka qeybgelaya tartankan haddan waxay shalay adkaysatay in barbaro gasho.

Tartankan ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto dalka Liibiya, balse dagaalada ka socda dalkaasi dartood ayaa qasbay in loo wareejiyo dalka Gabon.

Gabon waxaa sidoo kale tartankan lagu qabtay sanadkii 2012-kii. Lix iyo tobonka kooxood ayaa tartanka ka qaybgalaya. Waxaana isha si weyn loogu hayaa waddamada Masar,Algeria,Senegal iyo Ghana.

Mas’uuliyiin ka socota dalka Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo ayaa dalkaasi Gabon u safray si ay wax uga qabtaan ciyaartoyda dalkaasi ka socoto oo ka gadooday lacago loo diiday.

Sidoo kalena waxay shalay wada ciyaaray waddamada Camaron iyo Burkina faso oo iyaguna barbaro hal gool ah isla dhaafi waayey.

bandhige@gmail.com