Tartanka Orodka Marathonka 42km iyo 10km Oo maanta Hargeysa Lagusoo gabagabeeyay

Tartanka Orodka Marathonka 42km iyo 10km Oo Saaka Hargeysa Lagu Qabtay

Wasiirada Wasaaaradaha Arrimaha Gudaha, Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta soo gabo-gabeeyay tartanka orodada Maradoonka ee 42km iyo 10km  oo ay ku tar-tamayeen dhallinyaro  badan oo isaga kala yimid dhamaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Tartankan oo ahaa kii saddexaad ee lagu qabto Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland waxaa qaban-qaabadiisa qaybta ugu weyn ka qaadatay shirkadda Dahabshiil Group, iyo shirkadaha SBI Sagal Jet iyo cusbitaalka Edna Aadan.

Tartankan ayaa waxaa si wayn uga dhex muuqday Gabdho ku ordayay 10-ka KM

Gebo-gebadiina waxa halkaasi abaal-marinno iyo shahaadooyin la guddonsiiyay dhallinyaradii ku guulaystaya kaalmaha hore