Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jsl ayaa maanta ka Qeyb-galay Xuska 38-Guuradii Ka Soo Wareegtay Xasuuqii Ardaydii UFFO oo lagu Qabtay Beerta Xorriyadda

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa maanta ka Qeyb-galay Xuska Maalinta 38-Guuradii Ka Soo Wareegtay Xasuuqii Ardaydii UFFO oo lagu Qabtay Beerta Xorriyadda.

Waxaa munaasibadan kasoo Qeyb-galay Madax-Weyne ku-xigeenka JSL,Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka iyo Arimaha Dastuurka JSL, Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL, Wasiiiirka Warfaafinta Iiyo Dhaqanka JSL,Gudoomiyaha Dallada Sonyo,Dhalinyaradii UFFO,Masuuliyiin iyo Marti-sharaf Kala Duwan.

Madax-Weyne Ku-xigeenka JSL Mudane Axmed Ismaaciil Saylici ayaa ku bogaadiyey Dhalinyaradda Reer Somaliland inay si weyn uga Qeyb Qaataan maalintan oo ah maalin Qaran oo aan la iloobi Karin,oo ay tahay in marwalba la xasuusnaado dhibaatooyinkii loo geystey Dhalinyaradda Reer Somaliland Ee wakhtigaasi Joogtay.

waxaana Madax-Weyne  Ku-xigeenku intaasi ku daray  in beesha caalamku si siman ugu qeybiyaan deeqaha kala duwan Ee ay siiyaan Dalka Somaliland iyo Somalia..sidoo kalena ay kuwada hadli karaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somalia meel Beesha Caalamku ay dhex-dhexaadintooda ogoshahay inay diyaar uyihiiin.

Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa halkaasi ka sheegay wixii ka dhacay 1981 ee loogu geystey Dhalinyaradda Reer Somaliland Ee wakhtigaasi Joogtay,maantana ay farxad noo tahay inaanu ka xusno Gobolada Oo Dhan Ee Wadanka Somaliland.

Waxaa sidoo kale uu ku baaqay Wasiiirku Inay is-garab istaaggaan Dhalinyaradda Reer somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.kuna dadaalaanna inay muujiyaan Dimuqraadiyadda somaliland taasina ay ka Qeyb qaadan doonto in wadankeenui uu noqon doono waddan la Ictirtiraafi Doono.

waxaa halkaasi iyaguna ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo iyaguna dhamaantood sheegay inaanay si fudud ku iloobi doonin maalintani oo ubaahan in meel walba laga xuso.

 

ALLAA MAHAD LEH

Eng-xusri khadar Aw-dahir

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda