Tartankii Qur’aanka oo lagu soo xidhay xaflad uu ka qayb-galay Madaxweyne Siilaanyo

Masaajidka Cali-Mataan waxa lagu soo gunaanaday tartankii Qur’aanka Kariimka ah. Xaflad si weyn loo abaabulay oo isla masaajidka lagu qabtay waxa ka soo qayb-galay wasiiro, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddida Garsoorka, Culimaa’u-diin, tartamayaashii Qur’aanka iyo wefti Masar ka socday.

Ugu horan waxaa munaasibadda ka hadlay Guddoomiyha Guddida Garsoorka Sheekh Maxamed Aadan oo ka shekeyay muddadii uu tartan socday isla markaana xusay in tartankan uu maalgeliyo  Madaxweynaha Somaliland isagana loogu magac-daray.

Sheekh Maxamed Aadan wuxu sheegay in tartankani yahay kii saddexaad ee la qabto bisha ramadaan iyadoo ay soo qabanqaabsio Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu.Ardaydii ku guulaystay kaalmaha hore iyo abaal-marinnadii ay heleen waxay kala haayeen:

1. Maxamed Axmed Xasan (Hargeysa) Gaadhi, $200 iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
2. Ismaaciil Cumar Madar (Hargeysa) $1,300, Kitaab, Laptop qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
3. Cali Aadan Cismaan (Berbera) $1,000, Mobile qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
4. Cabdiwahaab Ismaaciil Maxamed (Hargeysa) $700, Kitaab quraana iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay

14-kii ku soo xigay iyaguna waxay heleen midkiiba 150 Doollar,  cadarro, shandaro iyo kitaab Qur’aan.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Khaliil oo madasha ka hadlay ayaa dhammaantood u duceeyey guulaysteyaashii kuna dhiirigeliyey ardayda Somaliland xiftiga Qur’aanka.

Ugu danbayn waxaa munaasibadda soo gunaanaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo una hanbalyeey ardaydii ku guulaysatay tartankaasi Qur’aanka. Madaxweynuhu wuxu sidoo kale ammaan u jeediyey Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culimadii qabanqaabisay tartanka.

Bandhige@gmail.com