Tibor Nagy iyo Joshua Meservey oo Warbixin ay Qoreen ku Shaaciyay in Heshiiska Badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu Fursad iyo Faa’iido u Noqon Karo Bariga Afrika

Hargeysa(Dawan)-Warbixin ay qoreen Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor Nagy iyo Khabiir u dhashay Imaaraadka carabta oo wax ka dhiga Jaamacadda Texas Tech Mr. Joshua Meservey ayay diirrada ku saareen hirdanka dhinaca khayraadka Afrika iyo ka hortagga Argagixisada.

“Inkasta oo ay dad badani shaki ka qabaan heshiiska cusub ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku dhawaaqeen, haddana waxa uu noqon karaa mid faa’iido u leh guud ahaan mandaqada Geeska Afrika, Masar iyo Badda Cas,”ayaa lau yidhi Warbixinta ay qoreen labadaas khabiir. Waxana warbixinta lagu sheegay “Dalal badan oo shaki ka qaba heshiiska ay dhawaan ku caddeeyeen Itoobiya iyo Somaliland ee ah in Itoobiya laga kireeyo saldhig millatari oo badda ah, halka Itoobiyana ay ku aqoonsanayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo dalalka mandaqada oo dhan u noqon kara faa’iido weyn.”

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay Somaliland waa dal madax-bannaan oo ay ku nool yihiin illaa 7 milyan oo qof oo leh in ka badan 500 oo mayl oo xeeb ah oo ku taalla badda cas. Ingriiska oo hore u gumaysan jiray, waxa ay xornimada ka qaateen bishii June 1960. waxa ay si mutadawacnimo ah ugu biirtay Somaliland Soomaalidii Talyaaniga xornimada ka qaatay waxaanay labadooduba samaysteen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Midawgu waxa uu ahaa masiibo, ka dib markii Soomaaliya uu gacanta ku dhigay taliskii arxanka daraa ee General Siyaad Barre, oo isku dayay in uu burburiyo gobonimada Somaliland, oo uu xasuuqay kumanaan qof oo reer Somaliland ah oo rayid ah,”ayay tidhi warbixintaasi.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com