Somaliland iyo Itoobiya oo ka wadahadlay Xakamaynta Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka Dilaacay Wajaale

Wajaale(Dawan)Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay isla markaana iska kaashanaya xanuunka shuban-biyoodka oo ka dilaacay magaalo xuduudeedka Wajaale.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,ayaa kulan ku yeeshay magaalada Wajaale.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye oo kulan kula qaatay Magaalada Wajaale Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dawlad deegaanka Soomaalida ayaa ka wada Hadley sidii iskaashi looga wada yeelan la haayaa in aanu u fidin xanuunka Shuban-Biyoodka oo ka dilaacay Magaalada Wajaale.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka dawlad deegaanka.Waxaana uu yidhiโ€Waxa aanu kormeer ku soo samaynay xaalada Caafimaad Xuduuda Wajaale iyo deegaamada ku teedsan,waxaana aanu kulan la yeelanay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ee Dawlad deegaanka Soomaalida.waxaana aanu ka wadahadalnay sidii iskaashi buuxa aanu uga wada yeelan lahayn Xanuunka Shubanbiyoodka,waaxaana aanu isla, qaadanay in si buuxda iskaga kaashano farsamo ahaan iyo iswaydaarsiga xogta iyo in kulamo joogta laga wada xidhiidho ayaanu isla garanay,waxaana aan u mahadnaqayaa madaxda Caafimaadka ee Gobalka Gabilay iyo Maayarka iyo Guddoomiyaha Gobalka Gabilay iyo masuuliyiinta Caafimaadka Wajaale heegan buuxa ku jiray,waana in dadka laga Wacyigaliyo si aanu xanuunku u fidin waana in nadaafada la ilaaliyo xili roobaadkii ayaa soo dhaw,โ€.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa waxa uu sheegay in la xakameeyay Xanuunka Shubanbiyoodka ee ka dilaacay Wajaale Waxaana uu yidhi

โ€œWaxa aniga iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaaadka wefti aanu hogaaminaynay aanu usoo kicimtimnay Magaalo xuduudkeeda Wajaale iyada oo aanu doonaynay in aanu soo indho indhayno oo aanu u kuurgalno heerka uu marayo Xanuunka shubanbiyoodka ee toddobaadkan ka jiray Magaalada Wajaale iyo degmooyin kale oo dalka ka mida.waxaana aanu kusoo aragnay shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka oo xakameeyay Xanuunkii shubanbiyoodka, waxaana aanu keenay dawooyinka lagula tacaalo xanuunka shuban biyoodka. waxaana aanu u gudubnay dhinaca Wajaale ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxaana aanu ku kulanay Masuuliyiin ka socday Dawlad deegaanka waxaana aanu isla qaadanay in si wada jira oo dhamaystiran looga wada shaqeeyo xaaladaha Caafimaad ee ka cusboonaaday dhinaca xuduuda.sidii loo xakamayn lahaa waxaana kulankaasi ku dhamaaday isafgarad.โ€

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com