Xukuumadda Somaliland oo Gobolka Gabiley Ka Daahfurtay Kulanka Diyaarinta Siyaasada Nabadda Qaranka

Gabiley (Dawan) Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismail Abdi ayaa gobolka Gebilay ka furay shirka saabsan dardargalinta diyaarinta Geedi socodka Siyaasada Nabada ee Qaranka JSL, watashigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, waxa loo qabtay Madaxdhaqameedka, Dhalinyarada iyo haweenka, Ciidamada Nabadgalyada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxa ka soo qayb galay Maayirka Degmada Gebilay, ahna Gudoomiyaha golaha deegaanka Gebilay, Mudane Mohamed Amiin Cumar Cabdi, Taliyaha qaybta Booliska Mudane Cabdi Cali Xayd iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Gebilay

Mudane Guuleed Cabdi Cabdilaahi, madax-dhaqmeedka, Dhalinyarada, iyo Haweenka, kuwaasi oo dhamaantood lagu dhiiri geliyey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dardargalinta diyaarinta siyaasada Nabada ee Qaranka ee gobolka iyo degmo ahaan ba kaga qayb qaataan wixii Nabadgalyada adkaynaya ta gobolka iyo Wadajirka bulshada ku dhaqan Gobolka Gebilay.

Kulankan ayaa waxa diirada lagu saarayay sidii loo dar dar galin lahaa diyaarinta geedi socodka siyaasada Nabada Qaranka, oo ay hormood u tahay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Kulankan waxa qayb ka ahaa maamuka gobolka iyo ka degmada Gabiley iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo iyagu ka qayb qaadanayay diyaarinta iyo dar dar galinta siyaasada Nabada Qaranka, oo aad loogu gorfeeyay adkaynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isku haynta bulshada gobolka iyo guud ahaan ba dalka.

Sidoo kale waxaa intii kulanku socda aad looga hadlay kaalinta ay Nabadu Somaliland ugu jirto iyo sidii loo ilaashan lahaa, melena looga soo wada jeedsan lahaa cid kasta oo wax u dhimaysa nabadgelyada.

Ilaalinta nabadgelyada ayaa kaalinta koowaad kaga jirta tiirarka dawladnimada Somaliland, taasi oo ay bulshadu qayb wayn ka qaataan ilaalinteeda iyo adkaynteeda ba.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com