Togdheer: 20 Arday oo waxbarashad dugsiga sare laga bixinayo afarta sano ee ay dhiganayaan

Midowga aqoonyahanada Buuhoodle ayaa deeq waxbarasho siiyay ardayda dhameeyey dugsiyada dhexe sanad dugsiyeedka 2017/2018, kuwaas oo aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta iskuulka. Deeqdan waxbarasho waxaa ka faa’idaysanayaan 20 arday oo midkiiba bishii laga bixinayo $15, afarta sano ee ay dhiganayaan dugsiga sare ee isla iskuullada ay dhigan jireen.

Waxaa deeqdan ay ka dambaysay kaddib markii dhallinyaradan ay sameeyeen cilmi baaris ay ku ogaadeen in carruurta deegaanada Buuhoodle hoos yimaada ay ka haraan waxbarashada marka ay dhameeyaan dugsiga dhexe ama inta aanay dhameynin sababo u badan waaliddiinta oo aan awoodin inay ka bixiyaan lacagta iskuulka.

Madaxa waxbarashada ee ururka Aqoonyahannada Buuhoodle Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamed ayaa Radio Ergo u sheegay in ardaydan ay kasoo xuleen 10 iskuul oo ku yaalla Buuhoodle, Xadhadhan, Widhwidh, iyo Balicad, waxaana iskuul walba laga qaatay labo arday oo ah kuwii kaalinta koowaad iyo labaad ka galay imtaxaanka shahaadiga ah ee sanadkan laga qaaday ardaydii dhamaysay dugsiga dhexe oo u gudbaya dugsiga sare.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in deeqdan waxbarasho ay xiligaan kusoo beegtay inay tahay markii ugu horreysay ee ururkoodu qabto ayna ku aadiyeen sanad dugsiyeedkan, wuxuuna xusay inay ballan qaadeen in sanad walba 20 ay arday oo cusub oo deeq waxbarasho siin doonaan si dhallinyarada deegaanka ay ugu dhiirigeliyaan in waxbarashada sii wataan, taas oo marba marka ka dambaysa ay badin doonaan.

“Ujeedka arintan aan ka leenahay waxa weeye kow dadka ugu badan ee dadaala ama dugsiyada ugu sareeya dhanka buundooyinka imtaxaanka qiimayn aan samaynay, waxaan ku ogaanay in dadka ay qaarkood ku adag tahay in lacagta iskuulka iska bixiyaan marka labadii dhinacba waa faa’iido in dadkani danyar u badan yihiin iyo in waxbarashada lagu dhiirigeliyo oo qofkii soo dadaalay la maamuuso. Labo in kor loogu qaado tayada waxbarashada ee deegaanka oo ardaydu ku tartamaan hiigsina u yeeshaan si sanad walba ardayga dugsiga dhexe kasoo baxayaa ugu dadaalo inuu helo deeqdan waxbarasho ama fursado kale oo jaamacad, “ayuu yiri.

Waalidiinta dhalay ardaydan ku guulaystey deeqda waxbarasho ayaa si weyn u soo dhoweeyay talaabadan ay qaadeen dhalinyaradan. Cabdilaahi Caydiid oo wiilkiisa Cabdiraxmaan kamid noqday ardayda waxbarashada bilaashka ah ka faa’iidaysanaysa ayaa ii sheegay inuu aad ugu farxay kaalinta wiilkiisu ka galay iskuulka dhexe taas oo dhaxal siisay inuu waxbarasho bilaash ah helo dugsiga sare inta uu dhiganayo.

“Labo arrinba waan ugu farxay arrintan. Marka hore inaan tacabkii aan 8 sano wax ku soo barayey qasaarin oo maanta halkaas uu kusoo gaadhay, marka xiga way igu adkayd bixinta iskuulkiisa hadda oo uu dugsi sare gaadheyna lacagta waxbarashadu waa sii badatay, carruur kalaa wax ii barata in qarashkii waxbarashada uu ii baaqdana wiilkayga dedaalkiisa ayaa sabab u ah waan u duceeyey, waa bogaadinayaa qolyahan dhiirigelinta keenayna aad bay u mahadsan yihiin”, ayuu yiri.

Cabdilaahi qoyskiisu wuxuu ka kooban yahay 8 qof 5 ka tirsan carruurtiisa ayaa waxbarashada gaadhay. Wuxuu sheegay in aanu awoodin inuu waxbarashada ka bixiyo guud ahaan carruurtiisa, deeqadana ay ka caawisay in cunug uu dhalay uusan ka harin waxbarashada.

Ardaydan helay deeqda waxbarasho, waxaa siddeed ka tirsan ay yihiin gabdho shan ay galeen kaalinta koowaad. Ayaan Cabdi Faarax ayaa ka mid ah oo kaalinta koowaad ka gashay dugsiga dhexe ee Imaamu Nawaawi oo ku yaala Buuhoodle. Waxay fadhisaa fasalka 1aad ee dugsiga sare ee Buuhoodle, Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in qoyskoodu yihiin danyar hase yeeshee aanay marnaba ku jirin inay waxbarashada ka harto siday doontaba haku hesho lacagteeda e.

“Aad baan ugu faraxsanahay waan u mahad celinayaa cid walba oo ka qayb ahayd inaan helo fursadan waxaan u mahadcelinayaa walidkay oo la’aantood halkan aanan soo gaareen, waan ku dadaalayaa inaan halkaas kasii wado waxbarashadayda ilaa heer jaamacad “, ayay tiri.

Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada ayay marar badan ardaydu ka hadhaan waxbarashada marka ay dhameeyaan dugsiga dhexe, isudduwaha wasaaradda waxbarashada Puntland ee gobolka Cayn Cabdikariin Maxamed Cilmi (Cabdiweyne) in 200 ayaa labadii sanad dugsiyeed ee lasoo dhaafay ay ka hareen waxbarashada dugsiyada sare.

Ardayda ayaa Iskuulka uga hara duruufo kala duwan oo isugu jira kuwo dhaqaale, gabdhaha oo marka ay guursadaan ka hadha waxbarashada iyo qaar la sheego in balwadda qaadku uu sabab noqdo ka hadhitaankooda waxbarashada, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay isuduwaha wasaarada waxbarashada.

“Waan ku dadaalaa in ardayga lacag la’aanta ah loo dhimriyo marka la hubiyo kadib waa laga sugaa dhowrkii bil ama bil baa laga dhaafaa bilna waa laga qaadaa qaar lacagtaa badh laga daayaa, iskuulku wuxuu ku taagan yahay lacagta yar ee ardayga laga qaado marka kama wada dayn karo balse waa la macaamilaan”, ayuu yiri

Ururkan oo 8 bil dhisan waxaa ku midaysan 205 aqoonyahan oo deegaanka u dhashay, kuwaas oo ka baxay jaamacadaha deegaanka iyo kuwa gobollo wax ku bartay iyo qaar dibadda wax ku bartay. Waxay ku xiriiraan internet-ka halkaas oo ay go’aamadooda waxqabad iyo qaaraan ururineed ku fuliyaan, xubin walba oo ururkan ku jirta waxaa sanadkii laga qaadaa lacag dhan $25, waxaana Cabdulqaadir sheegay in lacagtan ay ugu talagaleen in bulshada deegaankooda ay uga caawiyaan dhanka waxbarashada.

Cabdilqaadir Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay door bideen inay garab istaagaan ardayda hadda diyaarsan ee dadaalaya oo duruuftuna hayso, wuxuu xusay in qorshahoodu hadduu taageerada bulshada helo in meesha laga saari doono soo laalaabashada ardayda ka haraysa waxbarashada sababo la xiriira qarashka iskuullada.

“Hadii bulshadu fahanto muhiimada ay waxbarashadu leedahay waa la waayi doonaa arday waxbarashada ka taga taasna waxay ku imaanaysaa wacyigelin inaan bixino dhaqaalaha kuwa aan awoodin iyo inaan dhiirigelino ardayga dadaala waana sababaha ururkeenu u dhisan yahay,”.

Deeqdan waxbarasho ee ay heleen ardaydan danyarta ah ayaa qoysaska caruurtoodu ka faa’iidaysteen uga dhigan tahay fursad yididiilo gelisey sii wadista waxbarashada caruurta oo horay ay uga welweli jireen bixinta lacagta iskuulku qaato.

Xigasho: Radio Ergo