Vincent Viola oo ka mid ahaa xiddigihii xarunta ganacsiga ee Wall Street ayaa noqonaya bilyaneerkii afraad ee uu xil muhiim ah u magacaabo madaxweynaha la doortay Donald Trump. Mr. Vincent waxa loo magacaabay Xoghayaha Ciidamada Qalabka Sida, wuxuna maamuli doonaa dhammaanba hawlaha ciidamahada maraykanka ee la xidhiidha maamulka.
Vincent wuxu ka mid yahay ganacsatada caanka ah ee New York, wuxuuna gaar u leeyahay shirkadda maamusha ciyaaraha barafka ee loo yaqaan NHL. Wuxu sidoo wuxu daaro aad u dhaadheer oo ganacsi ku leeyahay xaafadda caanka ah ee Manhattan ee New York.
Madaxweyne Trump oo laftiisu ah milyaneer ayaa dad badani la yaaban yihiin qaabka uu wax u soo xulayo taas oo ah qaab saaxiibnimo ah ama dadkii fikradihiisa la dhacsanaa.
Bilyaneerada uu hore Trump u magacaabay waxa ka mid ah Wilbur Ross, Betsy DeVos iyo Todd Ricketts.
Waxa xusid mudan in dadka uu Donald Trump ilaa hadda magacaabay ay u badan yihiin maalqabeeno iyo jeneraalo ciidan.
Bandhige@gmail.com