Cimriga xisbiyada siyaasadda ee Somalilaand (WQ: Axmed Iid Aadan)

Si ay danta guud mar walba u hagaagto waxa lagama maarmaan ah in ummad kasta iyo nidaamkeeda dawladeed ay kalsooni fiicani ka dhexayso. Kalsoonidaasi waxa ay jirtaa oo keli ah inta ay awoodda dawladdu dhexdhexaadka tahay ee ay dadku dareemayaan in ay awooddoodii tahay. Waxay wiiqantaa marka ay awooddaasi meelo kooban ku ururto ee ay dadka iyo maamulku u ekaadaan sida qaar kala fog oo kale.

In dhibaato jaadkaas ah laga hor tagaa waxay u baahan tahay karti iyo dadaal badan. Waxay u baahan tahay in awoodda dadweynaha iyo nidaamka dawladeed la isku xidho oo uu maamulku noqdo wax ay dadka wada samaystay wada leeyihiin oo aan si kale loo adeegsan karin.

In dadka iyo dawladda la isku xidhaa wax fudud ma aha oo markii dhinacyo kala duwan laga eegay waxay talo ku ururtay in xisbiyo la sameeyo, waayo xisbiyada ayaa dadweynaha iyo nidaamyadooda maamul isku xidhi kara. Sidaas ayey markaa xisbiyada arrimaha siyaasadda ka shaqeeya ee maanta dalal badan ka jiraa ku samaysmeen.

Qaar xisbiyadaa ka mid ahi waxa ay jiraan in ku dhow laba boqol oo sannadood sida kuwa Maraykanka ka jira oo kale, halka qaar in ay da’ yar yihiin loo malayn karaa ay jiraan muddo ku dhow afartan sano sida xisbiga BJP loo yaqaanno ee dalka India ka jira. Xisbigu marka uu muddo dheer jiro waxa uu noqdaa tiir adag iyo hanti la wada leeyahay, waxanu door weyn ka qaataa arrimaha siyaasadda iyo horumarka.

Innaga xisbiyadeennu waa qaar da’ yar, sida ay ila tahay na in ay noqdaan qaar muddo dheer jira oo jirrid adag ku taagan waxa malaha inoo diidaya dhaqanhoosaad inoo gaar ah oo ummadaha aynu nidaamkan kaga dayannay aynu kaga duwan nahay. Dhaqanhoosaadkaas ayaa keenay waagii dhowaa ee doorashada dawladaha hoose la gelayey in la oggolaado in ururro cusub oo siyaasadeed la furo sidaasna lagu tartamo.

Haddii marka muddo la joogaba ururrada siyaasadda la furo waxa dhacaysa in xisbiyo jiray ay hadhaan, ururro cusubna ay soo baxaan oo inta ay xisbiyo isu rogaan ay saaxadda siyaasadda ku soo biiraan. Waxa aynu markaa isweydiin karnaa sidee ayeynu ku heli karnaa xisbiyo inta ay muddo dheer jiraan oo ay turunturrooyin badan ka gudbaan mustaqbalka noqda hanti la kala dhaxlo oo la wada leeyahay loona aayo?

Weydiintaasi in ay tahay mid mar kasta inna hor taalla ayaan u malaynayaa.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu qoray Axmed Iid Aadan: 

Ma naftaan hafarnaa?

Fartii reer Somaliland ee tasawdey 

Milicsi ku saabsan buugga “Duca-qabe: Halgankii iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal” 

Bakhayl damac yaqaan! 

Maxamed Cali Samatar iyo maamulka Muqdisho

Baadisooc: Dhaxal Ma-Guuraan Ah 

 Murugo: Sheeko gaaban 

Sannad-guurada 14aad ee Halyeygii Somaliland: Maxamed X. Ibraahin Cigaal

Halabuur mise hadal? – Doorsoonka ku socda Fanka waqtigan

Abaydin Abaydin dhalay: Ruwaayad digniin weyn bixinaysa 

Af qalaad ma laga maarmi karaa? 

Adeegsiga Qabyaaladda ma la yarayn karaa?

 Qubanaha nolosha Q.2aad

 Qiimayn dumar

 Hibada, aqoon-darrada iyo waxbarashada 

 Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

o waxbarashada