Trump waxa uu sheegay in uu u cadhaysan yahay qaar ka tirsan asxaabtiisa Jamhuuriga

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in uu si iskiis ah u dhameysan doono muddada yar ee ka dhiman ololahiisa doorashada madaxtinimada.

Isaga oo Arbacadi shalay kula hadlayey gobolka Florida ee koofur bari dalkan Maraykanka, ayuu sheegay Trump in uu aad ugu cadhaysan yahay qaar ka mid ah saaxiibadiisa xisbiga Jamhuuriga.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ay qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiga Jamhuuriga go’aansadeen in aysan u ololeyn doonin Donald Trump, sababo la xidhiidha fadaaxadii dhawaan kusoo baxday ee ahayd hadalada anshax darrada ah ee uu ka sheegay dumarka.

Doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha bisha dambe ee sannadkan.

Trump ayaa waxa uu labadii doodood ee uu dambeeyey ee uu la galay musharax kula loolamaya doorashada Maraykanka ayaa waxa soo wajahday guul-darooyin weyn oo ay Hillary Clinton guushu raacday labadaa doodood.

bandhige@gmail.com