Qof aqoon ahaan u quustay uun bay quwaysaa qabyaalaaddu! (WQ: Maxamed Xaaji)

Qabyaaladdu waa xirfad cid karti kale yeelan kari waydey ay ku shaqaysato. Inkasta oo ay sidaa tahay haddana cid iyada adeegsata oo ku shaqaysata iyo cid loo adeegsado oo laga ga shaqaysto ayey kala leedahay:-

Labada qolo ee xirfadda tan bartay waa siyaasiyiinta aan aqoon maalka ahayn, ee ay ka maqan tahay waayo aragnimada siyaasadda dhulka (political geography), daraasaadka istaraatijiyadda (strategic studies) iyo hab-fikirka ummada (social psychoanlysis).

Qolada kale ee adeegsataa iyana waa hoggaamiyayaasha dhaqanka. Kuwani se cudur-daar bay haystaan ah in ay abtirsiin xadaaraddu ka kori kari wayday shaqo ka dhigtaan, si ay caruurrahooda ugu masruuftaan.

Siyaasiyiinta aan aqoontaa iyo waayo aragnimadaa durugsan lahayn ayaa barta xirfadda tan (qabyaalladda). Waxa se wax laga xumaado ah in ay duufsadeen dhalinyaro badan oo ay ahayd in wakhtiga kan ay siyaasadda ka indho-dabboolnaadaan.

Marka aan leeyahay siyaasadda ka indho-dabboolnaadaan waa in ay ku jiraan wakhtigii waxbarasho ee ay ahayd in maskaxda la buuxsado, hadalka la yareysto, dhegaysiga la badiyo, fahamku uu furnaado, garasho iyo xirfad wanaagsan la tabcado, dantana laga garan ogaado wax-yeellada.

Maanta Somaliland labada xisbi ee ugu tunka weyn hoggaamiyayaashoodu (Muse iyo Cirro) waa ay leeyihiin aqoonta political geography, strategic studies and social pyschoanalysis. Waayo labaduba waxa ay leeyihiin aqoon durugsan iyo khibrad.

Muuse waxa uu leeyahay aqoon maadi iyo mid Military oo taariikhda dawladnimada adduunka loogu abtirriyo. Aqoonta Muuse waa ta dhistay Reer Galbeed iyo dal wal oo kale oo dhaqaale ahaan maanta u horumarsan.

Cirro isna waxa uu leeyahay aqoon maadi ah iyo mid Diplomacy ah. Aqoonta dambe ee diplomacy waa dheggaha siyaasaddu u adeegsato maqalka.

Sababta se kalifta in xisbiyadu qabiil innooga soo urro waa in ay rakaab xun yihiin. Rakaab xumada waxa keena hadba dhaqan dhaqaalaha dalku sida uu yahay.

Waan se hubaal in ay kala dabci, dabeecad, aragti, taariikh, waayo-aragnimo, hal-adaygnimo, goโ€™aan-qaadasho, kala xeellad iyo kala siyaasad yihiin.

Waana halkaa halka ay hoggaaminta horumarka dalku ka hanna-qaaddi karaa. In lagu kala doorto oo lagu kala xushana ay tahay. Waxa se muuqata in aaney sidaa ahayn e, ay jirto edeg qalloocan oo kale. Edegtaa qalloocdaa waa uun rakaab xumi.

Rakaabka xumida jirtaa waa shacabka, oo siyaasiyiin hoose oo aan hankoodu wasiirnimo waligood dhaafin ay dhaqaalaha liita ee shacabka. Iyaga oo ka faaโ€™ideysanaya xirfaddii Alle barray ee qabiilka kaga adeegtaan bulshada intooda aan waayaha nolosha ee adduunku u cudur-daarrin.

Tartanka Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro ka dhexeeya waa mid Madaxtooyo. Ummad ahaan waxa aynnu ka cararraynaa waa qabiil, dhaqaale xumo iyo nolol hoose oo garasho liidataa ina bartay.

Haddii xaal sidaa yahay yeynaan ku kala dooran qabiil maanta, ee aynnu ku kala dooranno khibrad, waayo aragnimo, goโ€™aan qaadasho iyo hal-doornimo innaga oo u arkayna muwaadiniin xaquuq siman oo isku mid ah leh.

Madaxdana yaan la caayin ee caqli ha lagu kala cugto. Qudhaadana qabiil ha u loogin waxa ay qabyaalladu anfacaysaa dadka kiisa u liita eh. Sababtuna waa in qabyaaladdu qof xirfad aqoonneed kale waayey ay quwayso.

Hoos ka akhri maqaallo hore oo uu qorayย Maxamed Xaaji Maxamuud

Wareejinta guddoomiye-nimada Waddani manfac ma u leedahay Jirde mustaqbalka, maxay se ololaha doorashada ka tari kartaa Cirro?

Maxay ku soo biirin karaan xisbiga Waddani siyaasiyiinta ka mid noqday ee Garabka Is-bahaysigu?

Maxay kala yihiin hoggaamiye xisbi iyo guddoomiye xisbi?

Goโ€™aanka Maxkamadda Sare Faysal iyo Jamaal iyamuu waaโ€™san u bariyey?

Maxaa ka dhaxeeya siyaasadda iyo dhaqaalaha?

Suโ€™aashaydii waa maxay danta Qaranka ee jiritaanka Somaliland iyo jawaabtiii Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

Labada doorasho โ€œMadaxtooyada iyo Wakiilladaโ€ iyamaa dib-u-dhigis leh?

Maalinta coddeynta, fahamka liita iyo siyaasiga Awdal

Maxaa iska beddeli doona siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka sannadka 2016-ka?

Sidee ugu haboon ee ay Somaliland-ta dimuqraadiyaddiga ahi isku xukumi kartaa?

Horn Cable TV: Qaabee dadkaaga, barnaamij wax weyn ku soo kordhiyey bulshada

Garashada waxa xun iyo oggaalka waxa san

Faallo Gaaban: Xaalka siyaasadeed ee axsaabta Somaliland

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:ย m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk,mohamedhagi@gmx.co.uk.

Share this: