Faallo: Waddani waxa uu u eg yahay mucaarad macno leh

 

Guud ahaan siyaasadda Somaliland marka si fiican loo fiiriyo mucaarad macno leh oo la sheegi karo waxaa ugu danbeeyey waagii uu xisbiga hadda xukuma dalka ee Kulmiye ahaan jiray mucaaradka, UDUB xisbigii la odhan jirayna talada dalka hayey. Run ahaantii labadaasi waxa ay si fiican u matali jireen muxaafid talada  iyo hogaanka dalka haya iyo mucaarad raba in uu muujiyo ama tuso dhaliilaha iyo goldaloolooyinka xisbigaas iyo maamulka waagaas jiray.

Intaas wixii ka danbeeyey mucaaradnimo waa macno beeshay kaliya waxaa aad u muuqday oo jiray xisbigaas Kulmiye ee noqday muxaafaidka markii uu tartankii doorshada 2010kii ku guulaystey, waxaana la odhan jiray marar badan markii uu Kulmiye waayey cid tidhaahda car ama tusta dhaliishiisa isaga ayaa qayb ka mid ah matali jirtay mucaarad oo dhinaca kale inta ay isa soo taagaan odhan jiray waxaas baa sidaas ah ama khaldan.

In badan buu sidaas ku soo caano maalay ilaa ay gaadhay waxa ay ansixiyaan in aan la arag cid tidhaahda waxaasi dani ummadda uguma jirto.  Labadii xisbi ee sheeganaayey mucaaradka mid tantiisa ayaa u run sheegtay oo  isaga ayaa kala dhammaan waayey ka dib markii salid lagaga dhigay Guddoomiyihiisa oo u ekaysiiyey xisbigii qaran aqal uu leeyahay oo sida uu doono cid uga kireeyo ama uu qayb uga iibiyo, haddii aan Jamaal Cali iyo rag la mid ah  meeshaas soo galin waligii kaasi magac ma soo dhaafeen ilaa haddana sidii ayuu yahay, halka uu kan kalena waa Waddaniye la garan waayey meesha uu ku sugan yahay ama dhinaca uu u socdo lana waayey aragti uu kaga  soocan yahay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayna noqotay marka shaxda nimankaas Kulmiye iyo dawladdoodu la yimaadaan in uu u sacab tumo ama uuma ka hadli waayo.

Waxaa ay dad badan maanta aaminsan yihiin in Ilaahay kala-kicii Kulmiye ee Isbahaysiga Isbadal-doonka nimanka la baxay ay kaga baxeen xisbigaas sannad ka hor uu rajo iyo yididiilo u noqday in xisbiga Waddani noqdo maanta mucaarad macno leh oo la isku helayn karo. Waxa hadda hor loo malaynaayey xisbiyadu asal iyo koobi uun in ay isku yihiin laakiin maanta waxay u eg yihiin laba kala midab iyo ur duwan oo isku ah mucaarad iyo muxaafid.

Waxaany arrintani keeni kartaa isbadal dhinaca siyaasada ah haddii ay ninamanka Isabahaysiga ka yimid iyo Waddaniga kuwii sii ahaa isla sameeyaan isabadal mucaaradnimo oo daacad laga yahay kaasi oo ka muunad duwan Waddanigii hore ee loo malaynaayey in uu ahaa magac-u-yaal mucaarad ama loo arkaayey in aanay ka dhab ahayn.

Raggan Isbadaldoonka ah ee ku soo shubmay Waddani waxaa ku jira niman miisaan culus leh oo samayntii iyo hab maamulkii Kulmiye qayb weyn iyo kaalin libaax ku lahaa waxaanay kan ay maanta door bideen ka dhigi karaan mid ka karti badan oo ka wax qabad badan kii ay horey uga tirsanaayeen.

Waxaana saansaan taasi durba ka muuqataa sida jagooyinka loo sar gooyey ee Hoggaamiye xisbi, Guddoomiye xisbi iyo Musharax xisbi loo sameeyey taasi baa durba muujinaysa in dar dari jirto oo wax cusub la soo kordhiyey isbadalna u muuqdo.

Inkasta oo muwaadiniinta qaarkood haykalkaa cusub ee maamul ee xisbiga ka muuqada ay su’aalo badan iska waydiiyeen ama ay ku cusboonaatey, haddana waa waxaa ka jira dunida dimoqraadiga ah qaarkood  oo hannaankaas xisbiyada siyaasadda loo habeeyo, si dadka loo arko in ay aragti iyo wax tar leeyihiin ay meel ay wax ka cabiri karaan loo keeno waana taas ta u maanta ku dhaqaaqay Waddani.

Waxaase aad u muuqata in habeyntaas iyo wax-isku-duba-ridkaas inkasata oo ay jiraan haddana loo baahan yahay dadaal xooggan, firfircooni dheeraad ah iyo hawlgalo cusub oo loo baahan yahay in madaxda xisbigaasi sameeyaan, waayo waxaa jira mar walba siyaasiyiin iyo aqoon-yahano wali dusha wax ka eegaya oo aan midna ku qanacsanayn, kuwaasi waxa ay u baahan yihiin doodo iyo wada hadal dheeraad ah in loo furo oo la is waydaarsado, cidii qoobka ku badisa ayaan suura agl ah in ay aakhirka ku guulaystaan, waxaanay kuwaasi soo kordhin karaan taageero, talo iyo waxqabad intaba.

Haddii ay yidhaahdaan wax baan soo kordhinay oo la kala seexdo waxaa dhacaysa in habeen madaow laga guureeyo, waxaana iska cad taariikhda iyo tajaaribtuba ina barayaan in cidii habeen iyo maalin shaqaysaa guul gaadhi doonto kii seexdana sicii dibi dhali doono.

Waxa diyaariyey: Xasan Ciise

Hoos ka akhri faallooyin hore oo uu qoray Xasan Ciise:

 

http://bandhige.com/faallo-waddani-oo-qaaday-wadadii-dildilaaca/

http://bandhige.com/doorashadii-mugdi-baa-galey/

http://bandhige.com/tartanka-biixi-iyo-cirro-fari-kama-qodna-w-q-xasan-ciise/

http://bandhige.com/tartanka-biixi-iyo-cirro-u-dhaxeeya-fari-kama-qodna-q1aad-w-q-xasan-ciise/

http://bandhige.com/faallo-tartanka-biixi-iyo-cirro-u-dhaxeeya-fari-kama-qodna-q-3aad-wq-xasan-ciise/

http://bandhige.com/faallo-tartanka-biixi-iyo-cirro-u-dhaxeeya-fari-kama-qodna-q-4aad-w-q-xasan-ciise/