Trump wuxu rabaa in uu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

 

Maalmo yar uun kadib markii uu ku celceliyey in uu ka fakarayo tallaabo millatari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay in uu doonayo in uu la kulmo hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un.

Hadalkaan lama filaanka ah ee kasoo baxay Maraykanka ee ku wajahan siyaasadiisa Qaarada Aasiya ayaa imanaysa xilli ay xukuumadda Pyongyang isu diyaarineyso in ay tijaabiso gantaalki lixaad oo ah kuwa xambaara madaxyada nikliyeerka.

Wareysi uu siiyey Isniintii Telefeshinka Bloomberg, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in ay sharaf u ahaan laheyd la kulanka madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi haddii uu helo waqti ku habboon.

Wareysi kale oo uu Axadi siiyey TV-ga CBS ayuu Trump ku amaanay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Sarkaalki ugu sareeyey Maraykanka oo la kulmay hoggaamiye u dhashay Waqooyiga Kuuriya ayaa waxay ahayd, Madeleine Albright oo soo noqotay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka.

Sannadki 2000 ayey la kulantay madaxweynihi hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Il oo ah aabaha hoggaamiyaha xiligan ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waligood ma yeelan xidhiidh diblomaasiyadeed.

bandhige@gmail.com