Trump wuxu saxeexay in Maraykanku ka baxo ganacsiga xorta ah ee TPP

 

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka dhabeeyay samaynta mid ka mid ah waxyaabihii uu balan-qaaday intii uu ku jiray ol’olaha doorashada isaga oo saxiixay in uu ka baxo heshiiska TPP loo yaqaanno ee ganacsiga xorta ah.

Heshiiskan oo ay ku wada jiraan 12 dal ayaa ahaa mid uu madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama u arkayay in ay muhiim u tahay siyaasaddiisa Aasiya.

Trump oo qalinka ku duugaya ka bixida heshiiska ayaa sheegay in ay arrintaasi muhiim u tahay shaqaalaha Maraykanka.

Waxa kale oo uu jaray lacagihii la siin jiray ururadii caalamiga ahaa ee bixin jiray adeegga ilmo iska soo xaaqidda wuxuuna istaajiyay shaqaalaysiinta qaar ka mid ah shaqaalaha federaalka.

Trump intii uu ku jiray ol’olihiisa doorashada wuxuu dhaliilay heshiiskan ganacsiga xorta ah ee TPP wuxuuna sheegay in uu “masiibo ku yahay dalka” wuxuuna ku dooday in uu waxyeeleeyay warshadaha dalka Maraykanka.

Ficilkiisan waxaa u maqsuuday qaar ka mid ah dadka bidixda u janjeera iyo waliba kuwa midigta u janjeera.

Bernie Sanders oo ka mid ah senetka Maraykanka ayaa BBC u sheegay in uu taageersan yahay go’aankan sababtun ay tahay in heshiisyadan oo kale ay “masiibo yihiin” ayna dalka ka sii qaadaan malaayiin fursado shaqo ah.

Fiidnimadii Isniiintiina ayay guddiga sannadka u qaabilsan arrimaha dibedda ansixiyeen in Rex Tillerson uu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, ninkan oo Trump uu soo xushay ayaa wali u baahan meelmarinta aqalka Senetka.

Madaxa laanta sirdoonka ee CIA waxaa noqon doona Mike Pompeo kadib markii ay Senatku u codeeyeen.

bandhige@gmail.com