Mudaharaadyo ka dhacay magaalooyinka Sidi Bouzid, Meknassi iyo Gafsa, ayaa lagu xusay sannad-guurada lixaad ee ka soo wareegtay 14-kii January 2011 oo ahayd maalintii dadweynihii qamaamay ee Tuuniisiya ay xukunka ka tuureen madaxweynihii kali-taliyaha ahaa ee dalkaas gacanta birta ah ku hayey 24-ka sanno Zine El Abidine Ben Ali.
Mudaharaadeyaasha magaalada Gafsa oo diidanaa safar uu magaaladooda ku yimid Madaxweynaha Tuuniisiya Maxamed Al-Baaji ayaa dhagaxaan ku tuuray kolanyadii weftiga madaxweynaha sidoo kalena xidhay dariiqyadii uu madaxweynuhu mari lahaa.
Madaxweyne Maxamed Al-Baaji ayaa ku khasbanaaday in uu dariiqyo dhawr ah isku beddelo ka hor intii aanu ku baxsan diyaarad helikobtar ah.
Dhallinyarada gadoodsan ee ku mudahaaraaday madaxweynuhu waxay ka cabanayeen shaqo-la’aan, waana mid ka mid ah sababihii kalifay kacdoonkii la baxay Gu’ga Carabta.
Waxa laga werwersan yahay xukuumadda yabyabka ah ee Tuuniisiya in ay mar kale quusto haddii mudaharaadyadu sii socdaan.
Tuuniisiy ayay ahayd halkii uu ka bilaabmay kacdoonkii Gu’ga Carabta oo galaaftay madaxweyneyaal muddo dheer arriminayey sida Bin Cali-gii Tuuniisiya, Mubaarigii Masar, Qaddaafigii Liibiya iyo Saalixii Yemen. Sidoo kale kacdoonu wuxu gilgilay Assadka Suuriya, Boqorka Baxrayn Xaamud bin Ciisa Al Khaliifa iyo madax kale oo Carbeed.
Kacdoonka Carabta oo boqolaal kun oo qof naftooda sahayday waxay ka bilaabmay markii 17-kii December 2010 uu is gubay Maxamed Bucasiisi oo meherad wadhato ah ku haystay magaalada Sidi Bouzid iyadoo sababtuna ahayd munashiibiyada magaaladaas oo Bucasiisi ka rartay goobtii uu ku shaqaysanayey isla markaana si xun ula dhaqantay.
Ayaan-darro, kacaankii lagu diirsaday ee Tuuniisiya ka curtay, sida fiicana uga dhacay Tuuniisiya iyo Masar wuxu ku banjaray Suuriya, Liibiya iyo Yemen waddamadaas oo ay ka dhaceen masiibooyin aan la mahadin oo ilaa hadda socda.
Gaar ahaan Suuriya waxa ka dhacay mid ka mid ah dagaalladii ugu xumaa ee dunada soo maray qarnigan 21-aad, haddiiba aanu ahayn kii ugu xumaa. Rajadii ay dunidu ka qabtay Guga Carabta waxay isku beddeshay murugo iyo dhiillo joogto ah.
Dagaalka sokeeya ee Suuriya waxa ku naf waayey 470,000, waxa ku dhaawacmeen 1,900,000 (milyan iyo sagaal boqol oo kun), taas oo macnaheedu tahay 11% dadweynihii Suuriya waxay noqdeen wax dhaawacmay ama dhintay. Waxa sidoo kale qaxooti noqday ama dalka gudihiisa ku baro kacay qiyaas ahaan 13 milyan iyo badh sida ay shaaciyeen Midowga Yurub.
Hantida balaayiinta ah ee ku burburay, magaalooyinka dhulka lala simay, haweenka lagu takri faflay, carruurta la curdan-dhadhiyey, qoysaska dabar go’ay, xarumihii qaddiimiga ahaa ee dhaqanka iyo dalxiiska ee la tirtiray, dhibatooyinka kale ee dhacay lama tirin karo.
Liibiya iyo Yemen ayaan iyaganan ilaa hadda maaro loo helin oo dhiigu qulqulayaa, xal muuqda oo laga rajo qabaana aanu jirin.
Mashaqada iyo foolxumada ka dhacday Suuriya, Yemen iyo Liibiya waxay keentay in waddamadii kale ee Carbeed ee u hanqal taagayey kacdoonka isbeddel-doonka ah ay karaar-jabaan, arrinkooduna noqdo “Isha Cali ninkii dayey digniin way ugu filan tahay.”
Haddii beryaha qaar lagu faaini jiray loona hanweynaa Gu’ga Carabta, maanta waxa lagu naanaysaan ‘Geerida Carabta”.
Waxa warbixintan diyaariyey Bahda Bandhige
Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka
Si aad wax badan u ogaato, hoos ka akhriso qormooyin taxane ah oo Xasan Ciise Raage oo ka tirsan Bandhige uu ka diyaariyey kacdoonkan.
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 3aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 4aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 5aad
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybtii 6aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 7aad
Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 8aad
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 9aad
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 10aad
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 11aad
Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 12aad
Kala xidhiidh Xasan Ciise raagesom@gmail.com
Kala xidhiidh Bandhige Bandhig@gmail.com