Turkiga iyo Maraykanku waxay yareeyeen bixinta dal ku gal laba waddan ay isa siin jireen

 

Dawladda Turkiga iyo Maraykanka ayaa waxa soo soo kala dhexgalay muran qunsiliyad ka billawday, waxayna labadooduba joojiyeen inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen.

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay dib u qiimaynayso, sida ay dawladda Maraykanka uga go’an tahay ammaanka shaqaalahaha iyo hawlahooda.

War midkaas aad ugu dhaw ayay mar hore ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee Ankara.

Arrintan ayaa timid iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu cilaaqaad la lahaa wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sannadkii hore.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna dhaawacayso xidhiidhka laba dal.

Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xidhay ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay, sida ay ku warrantay Anadolu.

bandhige@gmail.com