Turkiga oo xusay sannad-guurada inqilaabkii fashilmay, Erdogan oo jeediyey khudbad qiiro leh

 

Xukuumadda Turkiga ayaa xustay sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga, kaas oo uu madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogaan uu faro cididood kaga bedbaaday.

Boqolaal kun oo qof oo isku soo baxay ayaa madaxweynaha Turkigu u jeediyey Khudbad qiiro leh, isagoo sheegay in dadkii fashiliyey inqilaabkii Turkigu aanay sidan hub iyo qoryo, balse ay siteen calamo iyo boodhadh.

Ku dhawaad 250 qof ayaa ku dhintay inqilaabkaas oo bilaabmay 15kii July 2016, waxaana ku dhaawacmay 2196 qof.

Ku dhawaad 40,000 oo qof ayaa la taxaabay wixii ka dambeeyey inqilaabka, sidoo kalena waxa shaqada laga eryey 150,000 oo qof.

Erdogaan wuxu sheegya in aan loo naxariisan cid kasta oo inqilaabkaa lug ku lahayd, wuxuuna meesha ka saaray in dadkaa xoriyaddooda loo soo celin doono.

Ugu dambayn wuxu Erdogaan sheegay in qilaabkaasi dib u cusboonaysiiyey waddanka Turkiga isla markaana ay rajada Turkigu hadda ugu wacan tahay.

Waxase jira dad mucaaradka ka tirsan oo aaminsan in inqilaabkaasi hor seeday diktaatooriyad hor leh iyagoo ka werwersan ficillo ay ku sheegeen in uu Erdogan kaga sifaynayo mucaaradka xukuumaddiisa isla markaan sheegay in uu isku beddel kali-taliye doonaya in uu awood ku haysto dalka.

Bandhige@gmail.com