Turkiga waxa lagu soo rogay Saddex bilood oo xaalad deg deg ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saddex bilood oo xaalad deg deg ah ku soo rogay dalkaasi kaddib inqilaabkii milatari ee fashilmay todobaadkii hore.

Erdogan ayaa sheegay in tallaabadani ay u ogolaaneyso mas’uuliyiinta dalkaasi in ay tallaabooyin deg deg ah ka qaadaan shakhsiyaadka mas’uulka ka ahaa inqilaabkaasi ku lug lahaa.

Isaga oo khudbad ka jeedinaya talefishanka kadib markii uu la kulmay la taliyeyaashiisa milatari ayaa madaxweyne Erdogan waxa uu ballan qaaday in uu la tacaalo halista soo wajahday dimuquraadiyadda waddankaasi isla markaana uu ilaalin doono xorriyadda shacabka dalkiisa.

Dhanka kale waxa uu u mahadceliyay shacabka dalkaasi oo ka hortagay inqilaabkaasi, waxaanu sheegay in arrintaasi ay mid taariikhi ah oo dalkaasi soo martay.

Turkiga ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay sagaashan iyo sagaal jeneraalo oo lala xidhiidhinayo in ay ku lug lahaayeen afgambigii milatari ee fashilmay.

Sidoo kale waxa shaqada laga eryey, qaar la xidhay tobonaan kun oo iskugu jiray askar, garsoorayaal, qareeno iyo macalimiin laga shakisan yahay in ay xidhiidh wadaadka uu Erdogan ku eedeeyey in uu ka dambeeyey afgambigaa Fethulah Gulen.

Wadaadkan ayaa waxa uu dhankiisa beeniyey in uu wax lug ah ku leeyahay afgembigaas.

bandhige@gmail.com