Guddiga Diwaangelinta Ururaradu waxay go’aan ka gaadheen dacwadii xisbiga UCID

Guddida diwaangalinta ururada siyaasada ayaa waxay ku dhawaaqeen go’aanka dacwada xisbiga UCID ee u dhaxaysay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen.

Go’aankan oo la sugayey muddo bil iyo dheeraad ah ayaa waxay u ku baaqeen in ay dhinacyada ishayaa in dhinacyada is hayaa dhinac kastaa uu soo magacaabo 5 xubnood si loo qabto shirweynihii xisbiga muddo ka yar laba bilood guddahood.

Sidoo kale waxay guddidu go’aamisay in ay kharashka ku baxaya shirweynaha ay laba dhinaca kala qaybsadaan.

Sidoo kale waxay labada garab si isleeg u soo xuliyaan ergooyinka shirweynaha ka soo qayb galaya.

Sidoo kale waxay guddidan go’aamisay in ay heshiishkii laba garab galeen lagu dhamaystiro shirweynahaas, oo lagu ansixin doono qodobada heshiiskaas.

Sidoo kale waxa go’aanka ka mid ah in Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad oo Faysal Cali xilka ka qaaday, kana mid ahaa heshiiskii ay laba garab wada galeen ayaa waxa uu xilkii ku ansaxayaa shirweynahaas.

Dhanka kale waxay guddidu laashay qodob heshiiska ka mid ahaa in musharaxnimada Jamaal lagu ansixiyo shirweynaha gole dhexe, ayaa haatan lagu ansixin doonaa shirweynahaas oo ay ergooyinka u qaybsanayaan si isleeg.

Go’aankan ayaa waxa uu inta badan xooga saaray awood qaybsiga xisbiga dhexdiisa kaasi oo ay inta badan garabka Jamaal ay banaanka ka joogeen, balse haatan waxay awoodaha xisbiga si isleeg u qaybsan doonaan.

Go’aanka ayaa waxa soo dhoweeyey garabka uu hoggaaminayo Jamaal Cali Xuseen, halka dhanka kalena uu ka soo horjeestay go’aanka Faysal Cali Xuseen oo sheegay in uu rafcaan ka qaadanayo.

Go’aankan maanta ay soo saareen Guddiga Diwaangelinta Ururada ayaa dadka ka faalooda arrimaha siyaasada waxay ku tilmaameem mid sii hurinaya muranka laba garab.

Goaan 1

goaan 2 goaan 3 goaan 4

bandhige@gmail.com