Imaamka Masaajidka (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Salaaddu waa tiirka labaad ee Islaamka waana hoggaanka koowaad ee camallada tiirarka Islaamka. Haddii ay wanaagsanaato inta kale ee camalkaagu waa wanaagsanaan doonaa. Waa camal maalin kasta joogto u soo noqdo.

Salaada waxa kaw ka ah aadaamka, waxaana la isugu yeedhaa jamac in ay ku wada tukadaan dadka soo ajiibaa, waana muqadas intii awoodaa inaay timaado. Waxaa hor kaca oo dadka hoggaamiya (Iimaam) aad u caddaalad badan, oo ku hoggaamiya tubta toosan iyo dariiqa saalixa ah. ย Waa hoggaamiye mudeec ah oo raaca shuruudaha salaadda iyo tiirarka looga baahan yahay. Dadka ma soo kala dhawaysto, reer hebelna kuma eego, ee waxa safka hore lagu kala buuxiyaa sida loo kala karti badan yahay ama loo soo kala ajiibo baaqii aadaanka.

Hogaamiya salaaddu waxaa uu raacaa awaamiirta Alle jideeyay. Mid kuma daro midna ma gadaalmaro haddii aan sahwi ku dhicin oo leh kaabistiisa. Iimaamka iyo dadka ku daba tukanayaa waxay ku tukadaan cabsi Alle iyo xogogaalnimada ay leeyihiin wixii abaalkoodu noqonayo marka ay waafaqaan ama aqbali waayaan baaqaas aadaanka.

Waa sidaasee, tubtaas oo kale ayaa hoggaaminta ummadeed looga baahan yahay ย caddaalad, kala doorasho laโ€™aan iyo cabsida Alle. Nebi Maxamed waxa uu ahaa hoggaamiye ummadeed iyo Iimaam masaajid labadaba. Waxaan u baahan nahay in imaamyada masaajiddada lagu aamino talada ummadda oo dhan.

Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Xasan Cabdi Shire:

Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay

Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha

Waayo-aragnimo

Af qalaad

Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha

Awoodaha is kaaba

Ha rajo dhigin!

Guducur aan caddaba jirin: Siyaasiga maanta

Ciil-Qabe

Maamul-goboleedyada Soomaalida: Astaan burbur qaranimo