Turkigu waxa dad u soo qab-qabtay weerarkii ka dhacay sannadkii hore, sidoo kalena wax aka dhacay qarax cusub

 

Dawladda Turkiga ayaa xidh-xidhay tiro dad ah oo ka soo jeeda qawmiyadda Uighur iyaga oo loo haysto weerarkii lagu qaaday baarka ee lagu dilay 39-ka ruux sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Waxaa la rumaysan yahay in kuwa la xidhay ay ka yimaadeen gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha kuwaas xidhiidh la leh ninka weerarka gaystay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Raysal-wasaare-ku=xigeenka Turkiga, Veysi Kaynak ayaa isna sheegay in ay qarka u saran yihiin soo afmeeridda hawsha ninka weerarka gaystay oo uu sheegay in ay macquul tahay in uu ka soo jeedo qawmiyadda Uighur.

Dhanka kalena Khamiistan qarax ayaa ka dhacay baadiyaha magaalada Izmir oo ku taaalla galbeedka dalka Turkiga.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay labo gaadhi oo gubanaya waxaana la sheegay in toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Sawirro kale ayaa muujiyay wax u muuqda in uu yahay nin mayd ah oo qori watay, warbaahintuna waxay sheegtay in ninkaasi uu ahaa midkii weerarka soo qaaday oo ay booliisku toogasho ku dileen.

Wakaaladda wararka ee Anadolu waxay sheegtay in nin labaaadna la dilay laguna raad joogo midkale oo saddexaad.

bandhige@gmail.com