Turkigu wuxu u codaynayaa isbeddelkii ugu waynaa ee Dastuurka lagu sameeyo muddo qarni ah

 

Dadweynaha Turkiga ayaa maanta u dareeray in ay codkooda ka dhiibtaan isbeddelkii ugu weynaa ee lagu samaynayo Dastuurka dalkaas muddo ku dhaw qarni tan iyo markii ay burburtay dawladdii Cusmaaniyiintu 1023-dii.

Isbeddelkan dastuurka lagu samaynayo ayaa ka kooban 18 qodob oo lagu muransan yahay, waxaana laga baqayaa in ay sii korodho qaybsanaanta weyn ee ka dhex jirta dalka Turkiga tan iyo markii uu fashilmay Inqilaabkii milatary bishii July 2016.

Madaxweynaha Turkiga oo codkiisa dhiibanayey ayaa maanta sheegay in Dastuurkani uu oggolaanayo in ay dadka Turkigu gaadhaan riyooyinkii aabihii dawladnimada casriga ah ee dalkaas Mustafe Kamaal Ataaturki.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa filaya in taageereyaashiisu si weyn isugu soo baxaan taageeraana isbeddelka Dastuurka Turkiga.

Marar badan ayaa khilaaf dhinaca awoodda ahi soo kala dhex galay Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisal-Wasaaraha dalkaas, kaas oo salka ku haya qodobbada hadda ee laga beddelay dastuurka.

Bandhige@gmail.com