Tuugo dhacday Bangi ku yaala Hindiya, kadib markii soo ay qodeen dhulka hoostiisa

 

Dalka Hindiya tuugo xirfadooda aad u sarayso ayaa dhulka hoostiisa kasoo qoday god dhererkiisa dhan yahay 8 mitir, kadibna u dhacay bangi, halkaas oo ay ka dhaceen lacag badan.

Bangigan oo ay dowladda leedahay ayaa lagu magacaabaa Baroda, wuxuuna ku yaalaa magaalada Mombay ee xarunta ganacsiga dalkaas.

Tuugada ayaa isticmaalay hab la mid ah sidii lagu jilay filimkii Hollywood-ka ee The Bank Job, kaas oo dhulka hoostiisa inta lasoo qodo, bangiga dhulka looga soo baxayo.

Booliiska Hindiya ayaa BBC-da u sheegay in bangiga laga dhacay lacag iyo dahab badan, islamarkaasna ay baadhayaan kiiskan.

Tuugada ayaa isticmaalay guri ku dhegan bangiga, halkaas oo ay dukaan ahaan u kireysteen, kadibna halkaas godka kasoo qodeen.

Waa hawl u baahan khibrad dheeraad ah, cabbir sax ah iyo waliba qorsheyn dheeraad ah.

Lama oga sida ay tuugada ugu suurto-gashay in ay godka qodaan muddo bilo ah iyaga oo aanan laga shakinin.

Tuugada ayaa dhacay 30 ka mid ah 225 sanduuq oo yaaley bangiga, halkaas oo ay lacago iyo dahab ku kaydsanaayeen.

Waxa ay u egtahay in tuugada ay isticmaalayeen qalab casri ah oo ay ku burburiyeen asaaska bangiga oo caadi ahaan loo dhiso si aad u adag oo loogu talogalay in aanan hooska looga soo dhicin sida ku cad shuruucda bangiga dhexe ee Hindiya.

Booliiska ayaa su’aalo weydiinaya mulkiilaha dukaankii ay kireysteen tuugada iyo mulkiilayaasha tukaamo meesha ku dhow.

Waxay noqotey dhacdo ka fajicisey dalka Hindiya oo dhan, islamarkaasina qabsatay bogaga hore ee warbaahinta dalkaas.

Booliiska waxa ay sheegeen in falkan ay u badan tahay in ay tuugada geysteen intii u dhaxaysay maalinkii Jimcaha illaa maalintii isniinta, xiligaas oo uu bangiga u xidhnaa maadaamaa ay ahayd maalmo fasax ah.

bandhige@gmail.com