Warsaxafadeed: Kormeerka Goob-joogayaasha Maxaliga ah ee Doorashada Dalka ka qabsoontay 13 November 2017

Doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoontay Jamhuuriyadda Somaliland 13 Novembar 2017 Dalladda SONSAF waxay hawl gelisay 620 goob-jooge maxali ah,kuwaas oo loo kala diray 21 Degmo doorasho Dalka oo dhan iyadoo la gaadhay qiyaastii 41%(boqolkiiba) tirada guud ee goobaha cod bixnta.

Shaqooyinka ay SONSAF u xil saarantahay ayaa waxa ka mid ah dhiiri gelinta Nabadda,xasiloonida,isla xisaabtanka iyo dawladd wanaagga oo Doorashooyinkuna ku jiraan.

Shaqadii goobjoogayaasha maxaliga ah ayaa guud ahaan ku soo dhamaatay si guul ah,ka dib markii ay gaadheen goobaha loo asteeyay ee ay ka hawl gelayeen waxay soo weriyeen in Doorashadu ku bilaabantay si nabad gelyo ah iyadoo ku socotay jawi xasiloon ,goobahuna ay furmeen 90%(boqolkiiba) waqtigii loo asteeyay.
Goobjogayaasha SONSAF ee Maxaliga ah waxa kale oo ay qireen
· In goobuhu dhamaan si nabad-gelyo ah ku soo xidhmeen isla markaana tirintu ka bilaabantay.

  • In qalabka loo adeegsanayay doorashada si habsami ah u gaadhay goobaha cod bixinta
  • In goobaha ay ka kormeerayeen ku sugnaayeen wakiilo ka socda xisbiyada,hawl wadeenada komishanka,ciidamada iyo booqashooyin goobaha qaarkood ay ku marayeen goobjoogayaasha caalamiga ah.
  • Dadka nugul, kuwa da’ada ah iyo naafadu waxay ahaayeen kuwa laga caawinayo hab raaca doorashada.
  • Xarumaha codaynta iyo goobaha kale ee cod bixinta waxay ahaayeen kuwo u diyaarsan si haboon.
  • Bilaabistii tirinta codadka ma jirin wax shil ama caqabad ah oo ku yimi.
  • Ka qayb gal xoogan oo haweenku ugu soo baxeen codaynta ayaa isaguna ahaawaxyaabaha ay qabteen indhaha kormeerayaasha maxaliga ah.
  • Waxa xusid mudan ka qayb galka dhaliyarada ee geedi socodka Doorashada, kuwaas oo qaatay kaalmo kala duwan sida; saraakiidha goobaha codaynta, kormeerayaal maxali ah iyo cod bixiyayaalba.
  • Waxa dhacday in Goobaha qaar loo diiday in ay galaan Goob joogayaasha Maxaliga ah ama laga saaray, sidoo kalena loo diiday inay goob-joog ka ahaadaan tirinta codadka.
  • Goobjoogayaasha SONSAF waxay soo sheegeen in Goobta sumaddeedu tahay #364-2 ee Dugsiga Sh. Cali Ibraahim masuul Xisbiga WADDANI ka tirsan goobta laga saaray.

Waxa kale oo ay Goob joogayaashu sheegeen in Masuuliyiinta sare ee Guddida Doorashadu ka saareen Wakiilkii Xisbiga WADDANI goobta sumaddeedu tahay 365-2 ee Dugsiga Sh. Cali Ibraahim.
Diiwaan Gelinta cod bixyaha ayaa iyaduna noqotay waxtar muuqda oo geedi socdka doorashada iyo nidaamka codbixinta wax weyn ku soo kordhiyey doorkan.

Waxa jiri doonta warbixin intan ka faah-faahsan oo ka waramaysa hawlihii kormeerka iyo wixii tallobixin ah loona gudbin doono dhinacyada ay khusayso si mustaqbalka kor-uqaadis iyo horuumarin loogu sameeyo meelaha ay taabbanayso.

Gebagebo

Warbixintan hordhaca ah oo ku salaysan hawlgal-kii Googjoogayaasha Maxaliga ah ee SONSAF waxay sheegaysaa in doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 13.11.17 ay u dhacday si nabad-gelyo ah, nidaamsan isla markaana xor ah marka loo eego xeerarka iyo hab raacyada u yaal doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

SONSAF waxay ugu baaqaysaa xisbiyada siyaasada iyo Murashaxiintaba inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ka dheeraadaan wax kasta oo dhaawici kara sumacdii wanaagsanayd ee dalka iyo dadkaba uga soo hoyatay doorashadan iyo kuwii horre uga qabsoomay Somaliland.

Daladda SONSAF waxay u mahad naqay isla markaana u hambalyaynay shacab weynaha Somaliland guusha ay ka gaadheen inay u dhacdo doorasho nabdoon.

Waxa kale oo SONSAF u mahada naqay Gudida Doorashooyinka, Hay’adaha Amminga, Xisbiyada, Beesha Caalamka, Warbaahinta, Daneeyaysha Doorashooyinka iyo Cid kastoo gacan ku lahayd habsami u qabsoomida hawlaha doorashada.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com