Ilaa 30 qof ayaa dhintay kadib markii ay doon ay la socdeen koox ciyaarta kubadda cagta iyo taageerayaashooda ay ku gaddoontay harada Lake Albert ee dalka Ugaandha.
Kooxda oo ka socotay degmada Buliisa ayaa la sheegay in ay u sii socdeen ciyaar ay iskaga horiman lahaayene xaafad kale.
45 qof ayaa la sheegay in ay guud ahaan la socdeen doonta.