Wasiirkii hore Maaliyaddu waxa uu ka dayriyey xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland, haatanna kamid ah Madasha Toosinta Maxamed Xaashi, ayaa ka dayriyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxana uu shaaca ka qaaday in si aan caad saarnayn loo hagraday dadka abaarta jirta ku caydhoobay.

Maxamed Xaashi oo maalintii shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa, ayaa ugu horrayn wadaaddada dalka ku canaantay inaanay sekeda gacmahooda soo gasha u maamulin si habboon, isla-markaana aan weli la arag sekedaas oo la siinayo dadkii u baahnaa ee xaqa u lahaa,“Wadaaddada waxan weydiinayaa sekadu miyaanay iyagaba dhaafin, sekeda dadka baahan halla siiyo, Hargeysa masaajiddo badan baa jira, masaajid walibana waa inuu dadka baahan eegaa oo sekeda loo wareejiyo dadka caydhoobay” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Maxamed Xaashi dhaliilay qaabka ay xukuumadda talada haysaa ula macaamisho dhiggeeda Soomaaliya, waxana uu farta ku fiiqay inay xidhiidh debecsan u muujisay ciddii la doonayey inay xadhigga  ku giijiso, waxana uu yidhi:

“Maxaa keenay in ninka Itoobiya ka yimaadda laga qaado $60, ka Djibouti ka yimaaddana aynu $60 ka qaadno, ka Xamar ka yimaaddana aynu $15 ka qaadno, waa eex taasi oo kii ina dilayey in aynu lacagta ka dhino, kii ina magan-geliyeyna lacagtii baynu ku qaaliyeynay.”

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu diidmo ka muujiyey in ay doorashada madaxtooyaddu dib u dhacdo, isaga oo soo jeediyey in ciddii haleelitaan u haysa doorashada fursad loo siiyo in ay codeeyaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Doorashadu intii ku ridda uun bay ku qabsoomaysaa, maantana waa inay doorashadu qabsoontaa oo ay si wacan u qabsoontaa wixii haleelayaana doorashada ku ridaan, abaarahana dadku way isku soo ururayaan oo meelaa wax lagu siinayaaye meelahaasba haka codeeyaan, inay doorasho qabsoontaana dalka jiritaankiisa ayey dan u tahay.”

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com