Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland waxa uu ugu baaqay siyaasiyiin in ay dejiyaan xaaladda siyaasadda dalka

Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa farriin adag oo nasteex ah u diray xisbiyada qaranka iyo weliba siyaasiyiinta uu hungurigu ka hayo inay dalka hoggaamiyaan, waxana uu usoo jeediyey inay dadka iyo dalkaba uga tudhaan hadallada aan miisaamnayn ay isweydaarsanayaan.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka hadlay madal lagu daah-furayey shirkad cusub oo arrimaha sharciga ka shaqayn doonta, ayaa, ayaa hoggaamiyayaasha axsaabta qaranka usoo jeediyey inay hufnaanta tartaka dhawraan, isla-markaana ammaanka dalka xil weyn iska saaraan, waxana isaga oo arriimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Nimanka xisbiyada madaxda ka ah ee doonaya inay dalkan iyo dadkan madax ka noqdaan waxan leeyahay nabadgelyada halla ilaaliyo oo hufnaanta tartankana halla ilaaliyo, umaddan abaarta ku jirta ee aad madaxtinimada ka rabtaana waa inaad u tudhaan oo aad si nadiif ah u tartantaan oo aanay dhexdooda kala fogaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray:

“Marka warbaahinta la eego qaabka loo socdo ee loo tartamayaa mid umadda raaligelin karaya ma aha, waxana loo baahan yahay sida sharciga gudihiisa loogu tartamo ee aan xadaafiir iyo is jiid-jiidasho iyo ku colow lahayn.”

Mujaahidku waxa uu shaaciyey in haddii aanay hoggaanka xisbiyadu masuuliyad gaar ah isa saarin ay adkaan doonto inay gaadhaan hanka ay leeyihiin:

“Waar haddii aydaan  meesha nabad ku gaadhin oo aydaan dad nabdood ku gaadhin oo aad dal iyo dadba ugu tegi weydaan maxa aad madax u noqon doontaan, waar arrinkaas xil iska saara oo halla dedaallo.”

Hadalka Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa waxa uu kusoo beegmyaa xilli lagu jiro xaalad siyaasadeed oo adag, isla-markaana uu tartan adag oo aan wax badan la xeerinaynini ka dhex socda xisbiyada qaranka, waxana taas barbar socda eedo axsaabta dhexdooda ah oo la isku riix riixayo naax-naaxin horleh oo ay qabyaaladdu yeelatay.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com