Ummad ahaan waxa aynu u baahan nahay warshaddo aqoonta soo saara oo ay jaamacaduhu kamid yihiin ” Maxamuud Xaashi”

“Ummad ahaan waxa aynu u baahan nahay warshaddo aqoonta soo saara oo ay jaamacaduhu kamid yihiin”……………

Qarniga 21aad dunida waxa hogaaminaya Eeshiya, sababtuna waa aqoon, Singabuur iyo malaysia halkaa waxa gaadhsiiyay waa aqoon, maanta aqooon baad barateen aqoontuna waa ta aduunka kala horumarisa, dunida koowaad iyo dunida saddexaad farqiga qudha ee u dhaxeeya waa aqoon.
Nelson Mandela hogaamiyihii weynaa waxa laga hayaa maqalo ah “Aqoontu waa hubka ugu culus ee aad aduunka ku badali karto” ninkastoo awood lehina maalmo kadib waa la ilaawaa, laakiin aqoontu waxbay badashaa”

Ummad ahaan uma baahnin warshado bariiska iyo burka soo saara se’ waxa aynu u baahan nahay warshaddo aqoonta soo saara oo ay jaamacaduhu kamid yihiin, waxay u baahan yihiin tayayn iyo kor u qaadid jaamacadheenu waanan ku bogaadinayaa dadaalka ay wadaan.

Waxaan leeyahay aqoonta aynu kordhinno oo dhalinyaraddu waa inay baadhis iyo baxsi sameeyaan, darsaan horumarkeena iyo waxa innaga dhiman.

Midnimadda dhexdeena aynu xoojino, qarankeenna aynu u samirno