Ururka Sola Association wuxu deeq waxbarasho gaadhsiiyey dugsiga Al-Hidaaya ee degmada Coodanle

Dugsiga Hoose Dhexe ee Al- Hidaaya Primary School ee Degmada Coodanle oo  ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa waxa uu deeq ka helay Ururka Solo Assocation deeqdaasi oo ka koobnayd buugaag, kuraas, miisas iyo samuurado.

Xaflad qalabka lagula kala wareegayay ayaa ka dhacday Degmada Coodale, waxaana goobjoog ka ahaa odayaasha deegaanka Coodanle iyo masuuliyiinta Ururka Solo Assocation.

Guddoomiyaha Ururka Solo Association Cabdiraxmaan Siciid Aamusane isagoo ka hadlay ahmiyada ay leedahay waxbarashadu iyo urur ahaan ujeeddadii ka dambaysay qaybinta qalabka waxbarasho wuxu yidhi:

“Runtii maanta ma soo koobi karo farxaddayda waayo waxaanu intii awooddayada ah oo deeq ah gaadhsiinay Dugsiga Al-Hidaaya ee Degmada Coodanle. Waxaa isdoo kale farxad ii ah  joogitaanka aan maanta joogo Degmada Coodanle ee gobolka Togdheer.”

Guddoomiye Aamusane wuxu dadka deegaanka uga mahad celiyey soo-dhawyantii loo sameeyey. Guddoomiyaha Coodanle ayaa isaguna madaxsda iyo dhallinyarada Ururka Sola uga mahaceliyey deeqdan ay soo gaadhsiiyeen.

Odayaal iyo qaybo ka tirsan bulshada oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood soo dhaweeyey deeqdan waxbarasho waxayna sheegeen in ay dhiirigelin u noqon doonto waxbarashada deegaanka Coodanle. Waxayna baaq u direen qurbe-joogta Coodanle iyo xukuumadda oo ay ka codsadeen in ay taageeraan waxbarashada deegaanka Coodanle.

Bandhige@gmail.com