Ururka Soo Saarida Dawooyinka ee DIWA Oo Iska Fogeeyey Agab Cilaajyadu Hargaysa Kasoo Dejiyeen oo Xukuumadu Qabatay

Hayada dhawrista Tayada Somaliland Ayaa dhowaan sheegtay In shirkado Ka Ganacsada Soo Dejinta Daawooyinka Ay Dalka Keeneen Daawooyin Tayadoodu Liidato Ama Waqtigoodu Dhacay taasi oo aanu Gudoomiyaha Hayadaasi kala Cadayn Cida Keentay iyo Nooca Ay yihiin Agabkan ay Qabteen Xukuumadiisa Iyo shaqaalaha Hayadaasi.

Ururka Soo Dejiya Daawooyinka ee Marka magacooda Lasoo gaabiyo loo Yaqaan D.I.W.A ayaa Kulan La Yeeshay Gudoomiyaha hayada Tayada Somaliland waxaana ay u sheegeen inuu Kala Cadeeyo Cida Rasmiga ah ee Keentay Agabkan Qaldan waxaana ay Maanta warbaahinta u sheegeen in Ay Isla Qaateen Agaasimaha Guud ee hayadaasi Iyo maamulka Hayada DIWA in Aanay Sal ku lahayn Isla markaana aanay hayada DIWA keenin Qalabkaasi la qabtay balse ay yihiin Kooxo dadka ku daaweeya dhaqanka iyo cilaajinta Oo Dalka ku haysta Cilaajyo.

Gudoomiyaha Hayada DIWA Yuusuf Ducaale Barre Iyo xubno ka mid ah Ururkaasi oo manta Warbaahinta Kula hadlay Xafiiskooda magaalada hargaysa ayaa Iska Fogeeyey eedeynta Loo soo jeediyay Shirkadaha Daawooyinka Soo Waarida Waxaana uu Yidhi Isagoo Arimahaasi Ka Hadlaaya

“ Warkaasi wuxuu odhanayay Laba arimood ayuu is dhex geliyay Gudoomiyaha hayada Tayada Somaliland Mid Waxay ahayd warqad kazoo baxday xafiiska Hayada tayada oo wargelin ah Sidii aanu Anaga iyo hayada dhawrista u wada shaqayn lahayn ku saabsan oo la baahinayay taasna anagu Waxba uma Aragno waana soo Dhoweynaynaa,waayo Hayada waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn wanaagsan laakiin waxay noqotay Nasiib daradu warqad kale oo Waxyaabo kale sida Kaabsalo madhan iyo saliido ay ku jireen oo ay Hayadu qabatay oo Uu welibana gudoomiyuhu u dhigayay Wax Foojari ah Inay Yihiin iyo warkii saxda ahaa Ayuu mar sii wada daayay dabadeedna Tafaahumku halkaasi ayaa uu kazoo baxay “ Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Ururka DiwA

Gudoomiye Yuusuf Ducaale Barre oo hadalkiisa sii wata Ayaa wuxuu intaasi ku daray isla Markaana Cadeeyey  inaanay ururkiisu waxaas Keenin Balse ay yihiin Qolyaha Waxan la qabtay dalka soo geliyay Yihiin Cilaajyada dadka ku daweeya daawo dhaqameedka waxaana uu yidhi

“ Waxaanu cadaynaynaa kaabsaladan la qabtay waa weel madhan Ururka Diwa Inaanu wax Shaqo ah haba yaraatee ku Lahayn arintaasina waxaanu ka Xaqiijinay Gudoomiyaha Laftigiisa oo aanu xafiiskiisa shalay ku booqanay isla markaana aanu waydiinay uuna noo cadeeyey in shirkada keentay Agabkan ay Qabteen aanay DIWA ahayn isla markaana ay tahay shirkad ka ganacsata Herbalka ama Waxa loo yaqaano Daawo dhaqameedka Ama aynu nidhaahno Cilaajka markaa runtii Arintaas faahfaahinteeda waxaa Laga xidhiidhayaa Hayada dhawrista Tayada Somaliland Balse anagu DIWA ahaan Waxaanu Cadaynaynaa inaanay Weelkaas madhan Kaabsalo iyo Qolofyo Madhan ee lasoo bandhigay inaanay shirakada Daawooyinka dalka keenaa wax shaqo haba yaraatee ku lahayn ‘ Ayuu Yidhi gudoomiye yuusuf ducaale barre.

Gudoomiyaha Ururka DIWA yuusuf ducaale Barre ayaa warbaahintu Waydiisay suaalo Dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen “ SIDEE AYAAD U ILAALISAAN DAAWOOYINKA DALKA AAD KEENAYSAAN MAADAAMA SHACABKU IDINKU EEDAYNAYAAN INAAD LACAGTA UUN RAADISAAN’’’

Jawaab. “ Waxaanu u Ilaalinaa Dee Nidaam ayay Leedahay Daawadu,waxaana marka horeba la hubinayaa Daawada meesha aad kazoo iibsanayso waana inuu noqdaa Kambaniga aad kazoo gadanaysaa Mid la yaqaan oo sumcad leh oo shahaadooyin leh isla markaana ku dhex yaala waddan Sumcad leh.

Markale gudoomiyaha Ururka DIWA waxaa uu ka Jawaabay suaal Ahayd In Aan daawada Dadka Ay siiyaan ama Qofkii oo dhiban Ay lacagta ka Horaysiiyaan Waxaana uu sheegay sidan

“Horta Daawada Shirakadaha keena Iyagu Ma qoraan Qofkaas waxaa lehna Maaha waayo Arag,daawada dhaqtar ayaa Qora Isaga ayaana garan Kara qofkan halkan meesha Laga hayo Anagu waanu soo waaridnaa oo Keliya,qofka dawada keenaa Dadka afka uguma Guree Dhaqtar ayaa u qora daawaduna anaga nagama baxdee waxay ka Baxdaa Dhaqtar iyo farmasii,Hadii Qiimaha laga Cabanayona Qiimahayagu waa Kan ugu jaban Wadamada geeska Afrika Ku yaala “ Ayuu Yidhi Oo hadalkiisa kusoo Afmeeray gudoomiyaha ururka DIWA Yuusuf Ducaale Barre.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKAASI