Ururka waddaniga ah ee Somaliland Y-PEER ayaa maanta abaalmarino guddoonsiiyay Dhalinyaro ku tartantay maqaallo ku saabsan caafimaadka taranka

Ururka waddaniga ah ee Somaliland Y-PEER ayaa maanta abaalmarino guddoonsiiyay Dhalinyaro ku tartantay maqaallo ku saabsan caafimaadka taranka.

Dhallinyaradda ka qayb qaadatay tartankan oo bishii u dambaysay lagu baahiyay baraha bulshadu ku kulanto sida: Websaadyada, wargeysyada, Facebook-ga, Twitter-ka  ayaa ka kala socday gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriada Somaliland.

Xafladan lagu abaalmarinayay dhallinyada ku guulaysatay tartanka maqaallada Dhallinyarada Somalialnd oo cinwaankiisu ahaa Xuquuqda Caafimaadka Taranka oo maanta ka qabsoontay xafiiska ururka waddaniga ah Somaliland Y-PEER ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socday wasaaraddaha JSL oo uu ugu horeeyo Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyadda iyo ciyaaraha Maxamed Cabdillaahi Siciid “Khaawi”, Saynab Maxamed Cabdi iyo Maxamed Sulaymaan oo ka kala socday wasaaraddaha Warfaafinta iyo waxbarashada, gudidii kala xulaysay iyo sidoo kale tartamayaashii tartanka.

Ugu horayn waxaa furitaankii xaflada ka hadlay Agaasimaha ururka waddaniga ee Somaliland Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac oo ka waramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray tartanku, waxaana uu sidoo kale ku dhareeraaday agaasimuhu ahmiyada ay dhallinyadda u leedahay inay bartaan xuquuqda caafimaadka taranka, ugu dambayntiina waxa uu u mahadceliyay Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha bulshada ee magaceeda lasoo gaabiyo UNFPA.

Hal-abuur Cabdirisaaq Xasiliye ayaa xaflada ka jeediyay gabay wacyigelin ah oo saabsan kahortaga xanuunka Covid-19

Waxaa iyaguna madasha ka hadashay Saynab Maxamed Cabdi iyo Maxamed Sulaymaan oo ka socotay wasaaraddaha warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo Wasaaradda waxbarashda iyo Sayniska isla markaana qayb ka ahaa gudida kala xulista iyo qiimaynta ee tartanka ayaa ku bogaadisay ururka Y-PEER iyo Hay’adda UNFPA tartanka ay u qabteen dhallinyadda Somaliland.

Ugu dambayntii waxaa xaflada soo xidhay oo abaalmarino gudoonsiiyay guulaystayaashii tartanka oo ka koobnaa saddex xubnood agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyadda iyo ciyaaraha Somaliland mudane Maxamed Cabdillaahi Siciid “Khaawi”

Hoos ka daawo muuqaalka warkan: