Ururka Somaliland Y-PEER Network ayaa maanta u furay tabobar la xidhiidha ka-hor-tagga tacadiyada jinsiga la xidhiidha koox ka mid ah suxufiyiinta Somaliland. Agaasimaha Y-PEER Network Maxamed Mahad Dhamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tabobarkani daaran yahay sidii suxufiyiinta loogu baraarujin lahaa in ay door ka qaataan sidii loo joojin lahaa tacadiyada ku salaysan jinsiga gaar ahaan kuwa ka dhanka ah haweenka.
Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ay ka jiraan tacadiyada jinsiga ku salaysan sida kufsiga, gudniinka gabdhaha iyo arrimo kale oo dhibaatooyin ku haya haweenka. Ururka Somaliland Y-PEER ayaa siddeedii sanno ee ugu dambeeyey ku hawlahaa la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka.
Ka-qayb-galayaasha tababarkan ayaa ka socda warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaanay isugu jiraa suxufiyiin rag iyo dumar ah.
Tabobarkan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 30 suxufi waxa uu socon doonaa waxa taageertay hay’adda qaramada midoobay ee UNFPA.
BANDHIGE NEWS