Madaxweynaha Suuriya waxa uu sheegay in uu saaxiibtinimo ka filayo Donald Trump haddii uu fuliye balan qaadkiisii la dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha dalka Suuriya, Bishaar Al-Asad ayaa sheegay in Donald Trump uu noqonayo “saaxiib dabiici ah”, haddii uu meel mariyo ballanqaadyadiisa ladagaallanka “argagixisada”.

Laakiin Asad wuxuu sheegay in uu eegayo sida madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu u badalayo siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan Suuriya.

Intuu ku jiray ololaha doorashada, Donald Trump wuxuu si ku celcelis ah u ballanqaaday in uu tirtirayo dagaal-yahanada ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Arrimantaasi ayuu ku dhawaaqay xilli uu su’aal geliyay siyaasadda maamulka Obama ee uu ku taageeray mucaaridka dalka Suuriya.

Hadalka Bishaar Al-Asad ayaa imaanaya iyadoo Ruushka uu dib u bilaabay duqeynta ka dhanka ahayd mucaaridka Suuriya.

Maamulka Moscow wuxuu sheegayaa in duqeynta cusub lala beegsanayo ururka la baxay Khilaafada Islaamka iyo Al-qaacida. Ruushka ayaa intaa ku daray in ay duqeynayaan gobollada Idlib iyo Xumus.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa cambaareysay duqeynta cusub, waxayna sheegtay in ay hayso warar sheegaya in dad rayid ah iyo cisbitaallo la duqeeyay.

Duullaanka cusub ee Ruushka ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii madaxweyne Putin uu arrinta Suuriya kala hadlay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump.

bandhige@gmail.com