“Waa dhaqan-gal go’aankii Guurtidu lagamana noqonayo” Afhayeenka Guurtida Indho-Indho

Afhayeenka Golaha Guurida Cabdi Qaadir Maxamed Xasan “Indho-indho” ayaa sheegay inay ku adkaysteen Golaha Guurtidu oo aanay marnaba ka noqonayn go’aanka ay xukuumadda ugu kordhiyeen isaga oo ku timaamay mid sharciga baalmarsan xalka siyaasiga ah ee ay xisbiyada iyo xukuumaddu wada gaadheen.

Waxa kale oo uu tibaaxay Afhayeenku inaanay caqli gal ahayn in Sharciyada la jabiyo,lana dhaqan galiyo Go,aankooda,

Sidoo kale waxa uu xisbiyada usoo jeediyey inay u hogaansamaan sharciga fuliyaana wixii ayku taliyeen odayaasha golaha guurtidu, taas oo ay ku jirto maslaxada dalku.

“Go’aankii muddo kordhinta ee golaha guurtidu gaadhay May 2015 waa sidiisii, wax is badal ah oo lagu sameeyeyna ma jirto wuxuu ahaa go’aan sharci ah,wakhtigaas aanu u cayimnayna bil ka hor waxa la qaban doonaa doorashada si aanay dalka dawlad la,aani uga dhicin, golaha guurtidana wax isbadal ah oo ku yimidna ma jiro, hadii aanu nahay Odayaasha guurtida waxa naga dardaaran ah, laba bilood uunba hadal lagu jiray, waxay ahayd in hawlo badan la qabto,diiwaan galintii may bilaabin, asxaabta hawlihii aanu kala hadalnay ee ahaa inay gobolada ku faafiyaan kama muuqato” ayuu yidhi Afhayeenka Guurtidu Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Afhayeenka Guurtida oo BBC-da la hadlay waxa uu sheegay oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sharciyada uu ku salaysan yahay heshiiska Asxaabta iyo xukumaddu, isagoo ku dooday in aanu ahayn go,aan dib loo eegi karo muddo kordhinta Guurtidu.

Hadalkan Afhayeenka ayaa ku soo beegmaya iyadoo mucaaridku ku doodayaan in xukuumadu kaga baxday heshiiskii oo aanay xil iska saarin dhaqaajintiisa,halka ay xukuumaduna ku doodayso inay heshiiska ayidsan tahay hase ahaatee hawsha ku qancinta guuridu tahay xil wada saaran dhamaantood.

Murankan wali ka taagan xiliga doorashada la qabanayo ayaa caqabad ku hawlaha komishanka doorashooyinka si wakhtiga loo cayimo ay ugu salayn lahaayeen waajibaadkooda shaqo balse ilaa hadda anaay jirin wakhti loo dhan yahay oo la isku raacsan yahay,, waxaana la rumaysan yahay inay dib u dhigi doonto bilawga diwaangalinta iyo hawlaha kale ee doorashada ka hor la qaban lahaa.