Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Somaliland, Xasan Ciise, ayaa ka hadlay aragtidiisa siraha la sheegay in Wikileaks baahisay

War-saxaafadeed uu soo saaray  Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Madaxweyne-Xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland ayaa markii ugu horeysay kaga hadlay aragtidiisa ku aadan wararka sirta ah ee ay baahisay Shabakadda Wikileaks kuwaas oo mucaaridku sheegeen in ay dhigayaan Somaliland oo heshiis federaalayn ah la gashay dawladda Soomaaliya.

Xasan Ciise wuxu sheegay in haddii arrintani ay rumowdo ay noqon doonto khayaamo qaran tii ugu waynayd.

Xasan Ciise wuxu Golaha Wakiillada ugu baaqay in ay baadhitaan ku sameeyaan arrinta isla markaana soo xaqiijiyaan wixiika jira.

“Arrintan laga soo sheegay Wikileakes ee ka waramaysa in wasiiro dhawr ah oo xukuumadda ku jiray ay galeen heshiisyo Somaliland ka dhan ah oo ka dhigaya gobol ka tirsan nidaamka fedaraalka Somaliya, haddii ay caddaato oo ay dhab noqoto waxay noqon doontaa khiyaamo qaran tii ugu darnayd ee waddanka soo marta tan iyo intii ay somaliland la soo noqotay madax-banaanideeda” ayuu yidhi Xasan.

Xasan wuxu sheegay in xamaasadda ay arrintani leedahay awgeed iyo sida ay xukuumaddu dhegaha uga furaysatay ay lama huraan ka dhigayso in si deg deg ah  la isugu yeedho Baarlamaanka oo ay fadhi qayru-caadiya isugu yimaadaan.

Xasan wuxu aad ugu adkeeyey baarlamaanka in arrintan gunteeda la soo taabto. Sidoo kale wuxu soo jeediyey in haddii ay dhabowdo xubnaha ay caddaato in ay ku lug leeyihiin dhammaantood la soo taago maxkamad ku qaadda dambiga ay galeen.

Bandhige@gmail.com