Waa Imisa Muwaadiniinta Jabuuti ee Somaliland ku dhintay sannadkii tegay?

Xafiiska Qunsuliyada dalka Jabuuti ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay balaadhin doonaan adeegyada ay u qabtaan muwaadiniinta Jabuuti iyo kuwa Somaliland.
Amb Xuseen Cumar(Kawaaleeye) oo manta warbaahinta maxaliga ah xafiiskiisa ugu waramay ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegyo kala duwan oo ay qabteen sannadkii dhamaaday, waxaanu yidhi,
โ€œWaxaan u samaynay 53 dhalasho sannadkii dhamaaday, iyo caddaynta qofka ku dhasha Somaliland ooh ore aan u haysan goob ay ugu hagaagaan ayaa madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil C Geele ugu sameeyey xafiiskan in muwaadiniinta Jabuuti xaqooda u helaan, waxaan caddaynay labaatan qof oo ku dhintay geyiga Somaliland (Ilaahay ha u naxariistee).
Md Kawaaleeye ayaa sheegay in adeegyada xafiisku u qabto jaaliyada reer Jabuuti ka mid yihiin caddeynta dadka isku guursada Somaliland shahaadada meherkooda, dadka baasaboorku ka dhaco oo la siiyo warqad ay ku dhoofaan, sidoo kalena waalidka u doonaya caddeymaha caruurtooda u sameeyaan.
Safiir Xuseen Kawaaleye ayaa sheegay inay dad badan oo dib ugu laabanaya jabuuti u sameeyeen waqado ay ku dhoofaan, waxaanu yidhi,
โ€œWaxaan u samaynay waraaqo ay ku dhoofaan dad ku noqonaya jabuuti 73 qof, waxaan dadka qaata lacagta hawlgabka u caddaynay, waxaan waraaqaha meherka u caddaynay 43 muwaadiniin Jabuuti ahโ€ Ayuu yidhi isagoo raaciyey.
Waxaan bogaadin sannadka cusub u dirayaa dhamaan madaxda iyo shacabka Somaliland, isagoo yidhi,
โ€œWaxaan ugu horeyn hambalyo u dirayaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici, xukuumada iyo shacab-weynaha Somaliland, dhamaantood waxaan leeyahay sannad wanaagsan oo bashbash iyo barwaaqo leh. Waxaan hawshaa u qabanay lana hadlayaa waa reer Jabuuti iyo reer Somaliland.
Md Kawaaleeye oo baaq u jeedinaya muwaadiniinta reer Jabuuti ee degan JSL ayaa yidhi,
โ€œWaxaan ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Jabuuti ee degan Somaliland isa-soo-diiwaangeliya, si wax la idiinku qabto, isla markaana dawlada Jamhuuriyada Jabuuti idiin ogaato.