Waa kuma Xildhibaanka ugu soo horreeya liiska xil-sugeyaasha Golaha Wakiillada ee buuxin doona Xubinnimada Cabdiraxmaan-Cirro marka uu banneeyo?

 

Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay si rasmi ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada hortooda ugaga dhawaaqay inuu iska casilay Guddoomiye-nimadii Wakiillada, 12 Sannadood oo uu Xilkaasi hayey ka dib. Guddoomiye Cirro oo Khudbad dheer u jeediyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo shalay fadhi aan Caadi ahayn, ayaa gebogabadii Khudbaddiisa ku sheegay inuu iska Casilay Xilka Guddoomiye-nimada Wakiillada oo uu soo hayey 12kii Sannadood ee u dambeeyay.

Iscasilaadda Guddoomiye Cirro, ayaa Mudaneyaasha Cod Gacan taag ah ku ogolaadeen. 71 Xildhibaan oo ka soo Xaadiray Fadhigan oo uu Guddoomiye Cirro Shir-Guddoominayey, ayaa 70 ka mid ahi ogolaadeen Iscasilaaddiisa, ma jirin Cid diidday ama Cid ka aamustay, halka Guddoomiyuhuna aanu ka codaynin. Waxa loo ballamay in Axadda Toddobaadka soo socda la doorto Shir-guddoonku cusub haddii Alle yidhaahdo.

Iska casilaada guddoomiye cirro oo ka dembaysay kadib markii ay kaabiga saaran tahay qabsoomidii doorashada madaxtooyada ee loo muddeeyey inay ku loollamaan saddexda murashaxa ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE oo Dabcan Cirro uu isagu kamid yahay saddexdaas murashax ayaa sida xeerku dhigayo waxaa murashaxa jagadaasi isu taagay waxa shuruudaha ku waajibay kamid ah inaanu shaqo kale oo qaranku leeyahay ku jirin marka liiska murashaxiinta saddexda xisbi iyo taariikh nololeedyadooda u gudbiyaan komishanka, maalintaas oo wixii ka dembeeyey masuulka is sharraxaya ay ka reeban tahay in uu shaqaalle dawladeed noqdo sidaasi darteed isaga oo Cabdiraxmaan Cirro ka shidaal qaadanaya waajibaadka dastuuriga ah ee saaran murashaxa isaga oo kale ah ayaa uu muddo dheer oo hadal haynta is casilaadiisu socotay kadib waxaa uu shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas oo uu muddo 12 sanno ah hayay, iyadoo sidoo kale la filayo in xubinnimadii golahaasi uu ka tirsanaa uu bannayn doono dhawaan, iyadoo booskiisa uu soo buuxin doono  xildhibaannadii kaydka ahaa ee gobolka uu ka soo baxay ee SAAXIL ugu qornaa lambarka koowaad xil sugayaaasha.

Cirro oo kamid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Saaxil ayaa waxa marka uu si toos ah u macasalaameeyo golaha wakiillada waxaa kursiga uu banneeyey ku fadhiisan doona loona dhaarin doonaa Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug) oo kamid ahaa murashaxiintii xisbiga UCID uga tartamayay doorashadii golaha wakiillada ee sannadkii 2005-tii gobolka Saaxil, waxaanu si rasmi ah u buuxin doonaa booskaas marka uu xilli aan fogayn xubinnimada golaha iska casilo Cirro.

Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi Oo Gaaxnuug Loo yaqaannaa waxa uu ka mid yahay hal abuurrada foollaadka ah ee reer Somaliland isaga oo kaalin mug leh suugaantiisu ka soo qayb qaadatay  halgankii SNM, markii dalku xoroobayna waxaa uu muddooyinkii ka dembeeyey degannaa dalka Jabuuti hase haatee waqti xaadirkan waxaa uu rasmi ah aan ugu soo guuray dalkiisa hooyo ee Somaliland.

xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com