“Alle khayr haynooga dhigo, Allena ha kuu fududeeyo hawsha. kolay adiga kuguma ogi deg deg iyo go’aan qaadasho dalkan wax yeelaysa, ee iska ilaali in lagugu riixo khalad.” Marwo Aamina-weris

 

Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, oo markii uu shalay iska casilay shirguddoonka golaha wakiilada booqasho ugu tagay madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii uu kulankaasi dhammaaday wuxuu qadar kooban salaan ugu tagay marwada madaxweyne Siilaanyo Aamina-weris Jirde, waxaanu muuqaal iyo sawir laga qaaday shalay ilaa xalay qabsaday baraha ay bulshadu ku xidhiidho.

Salaan gacan qaad ah oo dhex martay murashax Cirro iyo Marwo Aamina-weris ayaa waxa ay marwadu mudane Cirro kula dardaarantay inuu mar walba ka dheeraado go’aan dalka wax yeeli kara, waxaanay tidhi:

“Alle khayr haynooga dhigo, Allena ha kuu fududeeyo hawsha. Kolay adiga kuguma ogi deg deg iyo go’aan qaadasho dalkan wax yeelaysa, ee iska ilaali in lagugu riixo khalad.”

Musharax xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa si kooban ugu jawaabay “Waayahay, waayahay insha Allah.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shalay si rasmi ah isaga casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada, oo uu laba iyo tobankii sanadood ee ugu danbeeyayba hayay, waxaanu u madaxbanaanaaday musharaxnimada xisbiga Waddani, iyadoo ay saddex bilood ka hadhay doorashada madaxtooyada oo qabsoomaysa November 2017.

Halkan hoose ka daawo muuqalka dardaaranka Marwada oo ku dhex muuqaal kulankii Madaxweynaha: 

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com